Taliyeyaashii Militeriga MALI oo Talaabo laga Qaaday.
25 Mar 2019
Madaxwaynaha Wadanka Mali Ibrahim Boubacar Keita, ayaa shaqada ka caydhiyay, isla markaana Soo magcaabay Saraakiishii Badali lahayd kuwa la eryay, kadib markii dalkaasi ay ka dhaceen weeraro lagu dilay dad badan oo xoolo dhaqato ah iyo tobanan ka mid ah askarta wadankaasi.
saraakiisha la eryay ayaa kala ah:-
Generaal M’Bemba Moussa Keita taliyihii Guud ee Ciidanka waxaana xilkaasi loo magcaabay Gen.Abdoulaye Coulibaly.
sidoo kale waxaa la eryay taliyihii Ciidanka Lugta ee dalkaasi Gen.Abdrahamane Baby waxaana lagu badalay sarkaal kale oo lagu magcaabo Gen.Keba Sangare.
Talaabada uu qaaday Madaxwayne keita, waxaa sababay kadib markii weerar lagu dilay 134 qof oo shacab ah oo ku noolaa deegaanka Fulani, dilka dadkaasi ayaa lagu eedeeyay inay fuliyeen Qawmiyad kale oo xiisadi ka dhaxayso.
![]()



