𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐦𝐞𝐞𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐈𝐬𝐮-𝐬𝐨𝐨-𝐛𝐚𝐱 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚
25 Sept 2026

Newyork (HCTV) 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐉𝐒𝐋, 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐨 𝐤𝐚 𝐭𝐢𝐫𝐬𝐚𝐧 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐦𝐞𝐞𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐈𝐬𝐮-𝐬𝐨𝐨-𝐛𝐚𝐱 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, xubno ka tirsan Xukuumadda Somaliland, iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan Waqooyiga Ameerika ayaa maanta isu-soo-bax ballaadhan oo taariikhi ah ku qabtay afaafka hore ee Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.
Isu-soo-baxan ayaa ahaa mid ay Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ku cabbirayeen rabitaankooda siyaasadeed, himiladooda qaran iyo doonistooda ku aaddan aqoonsi caalami ah oo buuxa, iyaga oo si nabadgelyo, sharciyad iyo masuuliyad leh dunida ugu gudbiyay codka Qaranka Somaliland.
Munaasibaddan ayaa xambaarsanayd farriin si cad u muujinaysa in Qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn arrin ku kooban Xukuumad ama koox siyaasadeed, balse ay tahay himilo Qaran iyo arrin masiiri ah oo ay Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland tobonnaan sano u soo halgameen, kuna dhiseen nabad, xasillooni, dawladnimo, dimuqraadiyad iyo Hay’ado Qaran oo shaqaynaya.
Isu-soo-baxayaasha reer Somaliland ee isugu yimid UN-ka hortiisa, ayaa ugu baaqay bulshada Caalamka iyo Hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan Qaramada Midoobay, in ay si dhab ah u dhegaystaan Codka Shacabka Somaliland, si dhab ahna u eegaan qaddiyadda Somaliland iyada oo laga duulayo xaqiiqooyinka dhabta ah ee jira, rabitaanka Shacabka JSL, sooyaalka taariikheed, ka sharci muhimadda istiraatiijiga ah ee Gobolka.
Dareenka Shacabka JSL ee maanta New York ka muuqday waxa uu ahaa mid xambaarsan farriin Shacab, xusuusta halgan qaran, qiimaha nabadda iyo dawladnimada la dhisay, iyo rajada mustaqbalka ee jiilasha soo socda ee Somaliland.


