Kenya oo Sheegtay in Qaramada Midoobay Ay Lacag Siiso Al-Shabaab.
2 Apr 2019
Salaasa 2.4.2019 [HCTV] : Sida uu Daabacay Wargeyska Standard, Diblomaasi sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya, oo lagu magcaabo Macharia Kamau, ayaa sheegay in Qaramada midoobay %10 ka mid ah dhaqaalaha gargaarka ee Soomaaliya loogu Talo Galay ay siiyaan Xarakada Al-Shabaab, si ay u nabad galiyaan hantida gargaarka ee UN-ku ay doonayaan inay gaadhsiinayaan dadka ku nool deegaanada ay maamulaan ururkaasi.
“waa mid aan la aqbali karin oo ka hor imanaysa dhaqanka Qaramada Midoobay, in ay maalgaliso urur argagixiso oo ay siiso lacag baad ah, si ay ugu ogolaadaan dariiq ay mariyaan gargaarka, taasi waa in la joojiyaan, qaramada midoobay waa inay noqotaa tusaale wanaagsan” ayuu yidhi Amb Kama sida ay ku warameen warbaahinta kenya.





