Madaxwayne Biixi oo Xil ka Qaadis iyo Magcaabis Sameeyay.
22 Jun 2019
Madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo saaray Wareegto ka kooban Xil ka Qaadis iyo Magacaabista Masuuliyiin cusub.
Madaxwaynuhu wuu Xilka ka qaaday Laba Masuul oo kala ah :-
Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiste), Wakiilkii Somaliland Qaabilsanaa Dalka Shiinaha.
Maxamed Cabdikariim Cumar Ismaaciil(maarshaal) Wakiil Ku-xigeenkii Somaliland u fadhiyey dalka Itoobiya.
Madaxawayne Biixi ayaa Magcaabay Masuuliyiin Cusub.
1. Maxamuud Xaamud Cumar Guddoomiyaha Gobolka Badhan
2. Cabdiraxmaan Axmed Muuse Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Badhan
3. Cawil Ibraahim Cali Wakiilka Xafiiska Ganacsi ee Somaliland ee Dalka Shiinaha.




