Somaliland: Tv-yada Oo La Dul Dhigay Amar Hoos Loogu Dhigayo Wararka Soomaaliya (Akhri)
9 Sept 2019

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa soo saartay Amar ku socda Telefiishannada Madaxa-bannaan ee ay leeyihiin Muwaadiniinta Somaliland isla-markaana Xarumahoodu ku yaallaan Magaalada Hargeysa.
Amaawiirtan cusub oo Maanta laga soo saaray kulan uu Wasiirka Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye uu ugu yeedhay Madaxda Telefiishannada Madaxa-bannaan oo ka dhacay Xafiiska, ayaa dhigaya in Telefiishannadu ay xilliga War-tebintooda soo hor-mariyaan Wararka ku saabsan Somaliland, kuwa khuseeya Soomaaliyana ay raaciyaan ama ku daraan Wararka dibedda.
Awaamiirtan oo dhaqan-galkooda ay Wasaaradda Warfaafintu u muddaysay inay bilaabmaan Maanta ku beegan 09/09/2019-ka, ayaa lagu faahfaahiyey War-saxaafadeed u qornaa sidan hoos kaaga muuqata:-

Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-ka



