Somaliland Oo Xukuno Qisaas Ah Ku Fulisay Lix Qof
26 Nov 2020

Hargeysa, (HCTV) – Xukuumada Somaliland ayaa dil qisaas ah ku fulisay lix qof oo Maxkamadaha Somaliland ay ku xukumeen in loo qisaaso dad ay hore u dileen, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka.



