Golaha Wasiirada Somaliland ayaa cod gacan tag ah ku ansixiyey Baaqii Wadajirka ahaa (Joint Declaration) ee ay soo saareen labada Dawladood, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israa’iil
1 Jul 2026

Hargeysa, Somaliland (HCTV) Fadhigii 66-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL.
Qodobbada lagaga wada hadlay Fadhiga 66-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland waxa ka mid ahaa:
𝟏) 𝐗𝐨𝐠-𝐰𝐚𝐫𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐈𝐬𝐫𝐚𝐚’𝐢𝐢𝐥:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Golaha Wasiirrada si qoto dheer ugaga xog-warramay natiijooyinka ka soo baxay booqashadii rasmiga ahayd ee taariikhiga ahayd (Historical State Visit) ee uu ku tegay dalka Israa’iil.
Madaxweynuhu waxa uu iftiimiyey guulaha diblomaasiyadeed, iskaashiga istaraatiijiga ah iyo fursadaha cusub ee safarkaasi u horseeday Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasi oo xoojinaya danaha Qaranka JSL ee Fagaarayaasha Caalamka.
Dhinca kale, Madaxweynuhu waxa uu Golaha Wasiirrada JSL hor keenay, isla markaana Golaha si dhammaystiran looga hor akhriyey nuxurka Baaqii Wadajirka ahaa (Joint Declaration) ee ay soo saareen labada Dawladood, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israa’iil, kaasi oo ay Golaha Wasiirrada JSL cod gacan taag ah oo aan loo kala hadhin ku meel mariyeen.
Baaqan isaga ah oo soo baxay 15.06.2026-ka, waxa magaalada Jerusalem si wadajir ah ugu saxeexay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal Wasaaraha Dalka Israa’iil.
Baaqa Wadajirka ah ee ay soo saareen labada dhinac ayaa ah tallaabo istaraatiiji ah oo waafaqsan danaha uu leeyahay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Baaqan ayaa loo gudbin doonaa Golayaasha Sharci-dejinta Jamhuuriyadda Somaliland, si ay uga gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah.
𝟐) 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka JSL ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey xaaladda guud ee amniga dalka, isaga oo xusay in guud ahaanba Amniga dalku uu sugan yahay. Wasiirku waxa uu sheegay in Hay’adaha Amniga Qaranku ay si buuxda u xaqiijiyeen xasilloonida iyo nabadgelyada guud ee dalka. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in wada-shaqaynta Hay’adaha Amniga Qaranka iyo feejignaanta bulshada JSL ay yihiin tiirarka lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
𝟑) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐚𝐬𝐡𝐮𝐮𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐚𝐝𝐞𝐞𝐜𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 (𝐆𝐒𝐓):
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha uga xog-warramay heerka ay marayso hirgelinta Cashuuraha Adeegga iyo Badeecadaha (GST), saamaynta ay ku leedahay kobcinta dakhliga Qaranka, iyo dadaallada ay Wasaaraddu ku ballaadhinayso saldhigga cashuuraha iyada oo la ilaalinayo hufnaan, caddaalad iyo isla-xisaabtan. Wasiirku waxa uu sheegay in Dakhliga Qaranka ka soo gala cashuurta GST-ga ay ka muuqan doonto Miisaaniyadda Qaranka. Ugu dambayn, Wasiirku waxa uu xusay muhiimadda uu nidaamka casriga ahi u leeyahay koboca dhaqaalaha dalka iyo tayeynta adeegyada bulshada.
𝟒) 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Wasiirka Horumarinta Caafimaadka JSL ayaa Golaha uga xog-warramay xaaladda guud ee caafimaadka dalka, isaga oo sheegay in dhammaan Gobollada dalka uu jiro hoos u dhac ku yimid xanuunnada xummadda oo bilihii ugu dambeeyey dalka ka jiray. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ay gashay dedaallo badan iyo wacyigelin joogto ah oo bulshada ku wajahan oo lagaga hortagayo faafitaanka xummadda ay keenaan Duumada, Dengue Fever iyo Chikungunya.
𝟓) 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐚-𝐤𝐚𝐜𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐚𝐡 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐢’𝐚𝐚𝐝𝐚𝐧𝐧𝐢𝐦𝐨:
Wasiirka Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada ayaa Golaha uga xog-warramay xaaladda nololeed ee dadka bara-kacayaasha ah, isaga oo tilmaamay baahiyaha bani’aadannimo ee taagan, kuwaasi oo sii adkaanaya.
Wasiirku waxa uu sheegay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo xoojiyo gurmadka dhinacyada cuntada, biyaha, nadaafadda, caafimaadka iyo waxbarashada, si loo yareeyo duruufaha adag ee ay wajahayaan qoysaska barakacayaashu.
𝟔) 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐝𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐮𝐮𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚:
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay warbixin ku saabsan kala Xadaynta Masuuliyadaha iyo Waajibaadka hay’adaha dawladda ee arrimaha ganacsiga.
Wasiirku waxa uu Golaha u soo jeediyey qodobbada soo socda:
* Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si cad u qeexaya Qaab-dhismeedka Hay’adaha Qaranka, awoodaha ay leeyihiin, iyo xidhiidhka ka dhexeeya.
* In la xoojiyo mabaadi’da maamul-wanaagga ee ku cad Xeerka Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa-bannaan (Xeer Lr. 71/2025), iyada oo Hay’ad kastaa ixtiraamayso waajibaadka iyo masuuliyadaha Hay’adaha kale, si loo adkeeyo ka wada-shaqaynta arrimaha la xidhiidha Ganacsiga dalka.
* In la xoojiyo isku-xidhka shaqooyinka ay wadaagaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladdu, si looga hortago kala jiidasho awoodeed iyo is-maan-dhaaf sharci.
Horn Cable TV
Hargeisa Somaliland



