Madaxweynaha Soomaaliya oo Madaxtooyada ku Qaabilay Duqa Magaalada St. Louis Park ee Dalka Mareykanka.
4 Jul 2026

Mogadishu, Somalia (HCTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Marwo Naadiya Maxamed (Nadia Mohamed), oo ah Duqa Magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota, dalka Mareykanka, taas oo booqasho ku timid Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey Duqa Magaalada guulaha ay ka gaadhay hoggaaminta iyo ka qaybgalka siyaasadda dalka ay ku nooshahay, isagoo xusay in guulaha noocaas ahi ay muujinayaan kartida, dadaalka iyo kaalinta muuqata ee ay bulshada Soomaaliyeed ku leeyihiin horumarka dalalka ay ku nool yihiin iyo guud ahaan caalamka.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku dhiirrigeliyey Marwo Naadiya inay sii xoojiso dadaallada lagu adkaynayo xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, isla markaana ay door firfircoon ka qaadato kor u qaadista kaalinta qurba-joogta Soomaaliyeed ee dib u dhiska dalka, horumarinta adeegyada bulshada iyo dhiirrigelinta maalgashiga.
Dhankeeda, Duqa Magaalada St. Louis Park, Marwo Naadiya Maxamed, ayaa uga mahadcelisay Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey. Waxay sidoo kale caddeysay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac, iyo taageeridda dadaallada lagu horumarinayo Soomaaliya.
Marwo Naadiya ayaa intaas ku dartay inay si weyn ula dhacday isbeddelka, horumarka iyo xaaladda amni ee ka jirta caasimadda Muqdisho, iyadoo sheegtay in wixii ay indhaheeda ku aragtay ay ka duwan yihiin sawirradii ay hore uga haysatay magaalada.
Horn Cable TV
Mogadishu, Somalia







