
“Madaxweyne Markaad Timaado wixii kuu soo qabsoomay umada u sheeg..”Siyaasi Nuradiin Diini

Somaliland President Addresses the Council on Foreign Relations (CFR) in New York

𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐦𝐞𝐞𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐈𝐬𝐮-𝐬𝐨𝐨-𝐛𝐚𝐱 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚

Somalia President Calls for UN Reform, Stronger African Representation
Somali News19 Feb 2020
Mek’ele, (HCTV) – Gobolka Ismaamulka Tigray-ga ee dalka Ethiopia ayaa lagu qabtay xus balaadhan oo ku saabsan guulihii Jabhadii TPLF ay gaadhay markii ay talada dalkaasi ka tuurtay Taliskii dhagarqabaha ahaa ee Col Mengistu Hailemariam. Xuskan ayaa sidoo kale xambaarsanaa dabaaldaga aasaaskii sanad guuradii 45aad ee xisbiga TPLF ee dalka Ethiopia iyo xubnihii fikrada lahaa […]
Somali News18 Feb 2020
Turkey (HCTV) – Haweeney u dhalatay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Maviş Erdoğan ayaa maalmihii lasoo dhaafay qabsatay warbaahinta iyo baraha bulshada ee dalkaas, kadib markii seygeeda ay ka dalbatay in uu u soo celiyo kelli ay hadda ka hor ugu deeqday isagoo xanuunsan. Haweeneydan iyo seygeeda oo lagu magacaabo Axmet Erdoğan ayaa aqal galay […]
Somali News18 Feb 2020
Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay inuu ku furayo Ururrada siyaasadda Somaliland. Madaxweynaha oo khudbad-sanadeedka 2020-ka u jeediyey labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland, ayaa sheegay in maaddaama oo labadii sannadood ee u dambeeyay ay ku lumeen muran ka dhashay qabsoomid la’aanta doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada uu go’aansaday inuu […]
Somali News18 Feb 2020
Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aanay suurto-gal ahayn in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu xilligan socdaal ku yimaaddo Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweyne Biixi oo ka jawaabayey Warar Maalmihii u dambeeyay soo baxay oo sheegayey in Raysal-wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliya ay socdaal ku imanayaan Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay […]
Somali News18 Feb 2020
Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Labada Gole ee Baarlamaanka u jeediyey Khudbad-sanadeedka Dastuuriga ah ee 2020-ka. Halkan Hoose ka Akhri Khudbad-sanadeedka Madaxweynaha Somaliland oo dhamaystiran:- Khudbad Sannadeedka Dastuuriga ah Ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biix Cabdi 18 February 2020 Shir-guddoonka Golaha Baarlamaanka JSL, Mudanayaasha Golaha Barlamaanka ee Sharafta Leh, […]
Somali News17 Feb 2020
Hargeysa, (HCTV) –Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa Telefishanka HCTV u xaqiijiyey in shaqadii ciidanka laga eryey Askari waddada dhexdeeda ku garaacaya qof dumar ah, taas oo muuqaalka Askariga haweenayda garaacaya oo la duubay uu dhex xulay baraha bulshadana ee facebook-gu ka mid yahay. Talaabadan foosha xun ee Askarigaasi kula kacay haweenaydaasi […]
Somali News17 Feb 2020
Hargeysa, (HCTV) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay nin ku eedaysan kufsi iyo dil loo gaystay gabadh 15 jir ah. Falkan kufisiga iyo dilka isugu jira aayaa ka dhacay degmada Lughaya oo ka tirsan gobolka Awdal ee Somaliland. Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa Telefsihanka HCTV u xaqiijiyey in ciidamada Bileysku […]
Somali News17 Feb 2020
Kigali, (HCTV) – Heesaa caan ka ahaa dalka Rwanda Mizito Mihigo oo qaada heesaha Gospel-ka oo si weyn u gilgilay dalkaasi markii la xidhay sanadkii 2014-kii oo lagu eedeeyey inay inuu shirqool u dhigayey Madaxweynaha iyo masuuliyiin sarsare oo dawlada ka tirsan, ayaa geeriyooday isagoo da’diisu tahay 38 jir. Kizito Mihigi ayaa looga shakisan yahay […]
Somali News17 Feb 2020
Juba, (HCTV) – Safiirkii dawladda Kenya u fadhiyey dalka Koonfurta Sudan Chris Mburu ayaa ku geeriyooday gurigii uu ka daganaa caasimada Juba maanta oo Axad ah sida ay xaqiijisay Wasaarada Arimaha Dibadu. Mr Mburu, ayaa hore u ahaa Agaasimaha hay’adda Mukhaabaraadka ee the National Intelligence Service (NIS), waxaana fariin tacsi ah u diray Madaxweynaha dalka […]
Somali News17 Feb 2020
Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta digreeto Madaxweyne waxa uu ku aasaasay Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland. Sida lagu sheegay Wareegto ka sopo baxday Madaxtooyada Somaliland oo u dhignayd sidan:- WAREEGTO MADAXWEYNE: 17/02/2020 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-469/022020, uu ku Aas-aaska Sanduuqa […]
Somali News16 Feb 2020
Riyadh, (HCTV) – Weerar aar goosi ah oo uu qaaday Sucuudigu ayay ku dhinteen 31 qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, kadib markii kooxda xuutiyiinta ee Iran ay ka dambayso ay sheegatay inay soo riday mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Sucuudiga. Diyaarada Tornado ayaa lagu soo riday gobolka Waqooyiga ee Al-Jawf maalintii Jimcihii […]
Somali News16 Feb 2020
Muqdisho (HCTV) – Maxkamadda Ciidammada ee Fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho ayaa Xadhig dhan Saddex Sanadood ku xukuntay Agaasimihii Waaxda Shaqaalaha ee Gobolka Banaadir. Maxkamadda ayaa Nuur Cali Axmed (Mahad Alle) ku heshay inuu isagoo haya xilka Agaasimaha Waaxda shaqaalaha ee Gobolka Banaadir uu la shaqaynayey Al-shabaab oo uu ka mid ahaa illaa xilligii uu soo […]