
“Madaxweyne Markaad Timaado wixii kuu soo qabsoomay umada u sheeg..”Siyaasi Nuradiin Diini

Somaliland President Addresses the Council on Foreign Relations (CFR) in New York

𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐦𝐞𝐞𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐈𝐬𝐮-𝐬𝐨𝐨-𝐛𝐚𝐱 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚

Somalia President Calls for UN Reform, Stronger African Representation
Somali News10 Feb 2020
Addis Ababa, (HCTV) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka 33-aad ee dalalka Midowga Afrika, kaas oo soo bandhigay guulaha uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha u baahan in si wadajirka ah looga faa’iideysto Qaaradda ahaan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay ku dabar-gooynayso khatarta argagixisadu […]
Somali News10 Feb 2020
Hargeysa, (HCTV) – Weeraryahanno la rumeysan yahay inay yihiin Al-Shabaab ayaa Axadii gubay laba baabuur oo u rarnaa shirkado ganacsi oo marayay meel ku dhow xerada H Young & Co ee ku taal Gobolka Lamu. Wakiilka Gobolka Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay in kooxdii weerartay ay ku tuureen waxyaabaha qarxa mid kamid ah gawaarida xamuulka […]
Somali News10 Feb 2020
Addis Ababa, (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaaminayey oo maalintii labaad ku sugan Caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho Madaxweyneyaasha dalalka Kenya, Guinea iyo Ghana. Weftiga Madaxweynaha Somaliland oo maalintii shalay gaadhay dalka Ethioia ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyey wasiiru-dawlaha arrimaha dibeda […]
Somali News9 Feb 2020
Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta gelinkii dambe Safar ugu baxay Dalka Itoobiya. Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga uu hoggaaminayo ayaa socdaalkoodu ku waajahan yahay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya. Sidaana waxa lagu sheegayWar-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada JSL oo soo gaadhay HCTV, kaasi oo isagoo dhamaystiran u dhignaa […]
Somali News9 Feb 2020
Boorama (HCTV) – Taliska Ciidammada Booliska ee Gobolka Awdal ee Somaliland ayaa ka hadlay Weerar koox dhallinyaro ah oo hubaysani ku qaadeen Saldhig boolis oo ku yaalla Magaalada Boorama. Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Awdal, Cabdiraxmaan Nuur Col-haye oo u warramay Telefiishanka Badda Cas 24 Tv, ayaa sheegay in dhallinyaro ka kooban 7 oo hubaysani […]
Somali News9 Feb 2020
Vietnam (HCTV) – Dalka Vietnam waxa lagu qabtay Warshad soo saaraysay Bun been abuur ah. Warshaddan oo ay leeyihiin Qoys reer Vietnam ah ayaa Bunka ka samaynaysa Alaabooyin khatar ah, sida Baytariyada ay gudahooda ku jirto budada Madow iyo Ciid. Masuuliyiinta Amniga ee Vietnam ayaa helay 77 Rodol oo Budo Madow ah, taasi oo laga […]
Somali News9 Feb 2020
Jabuuti (HCTV) – Taliska guud ee Ciidammada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa ka hadlay Weerar dhinaca Cirka ah oo ay Khamiistii Toddobaadkii hore la beegsadeen Xarun ay Al-shabaab leeyihiin. Africom ayaa sheegay in duqamo laba ah oo Diyaaradahoodu la beegsadeen Guri ay Al-shabaab ku leeyihiin deegaanka Jilib ee Gobolka Jubada dhexe ay […]
Somali News9 Feb 2020
Uganda (HCTV) – Afar ka mid ah Daanyeerka loo yaqaano Goriilaha ayaa ku dhintay Buuralayda Koonfur-galbeed ee Dalka Uganda, gaar ahaan Beerta Xayawaanka ee Mgahinga National Park. Daanyeerkan ayaa dhintay, ka dib markii uu ku dhacay Danab ka dhashay Roob duufaan watay isla-markaana dhagax-yaale ahaa oo halkaa ka da’ay. Dhimashada Goriilahan ayaa dhacday Toddobaadkii hore, […]
Somali News8 Feb 2020
Hargeysa, (HCTV) – Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta furay Kalfadhigii 71aad ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in doorashada Wakiilada iyo Golayaasha deegaanku ay ku qabsoomi doonto xiligii loogu talo galay, waxaanu Mr Saleebaan uu ugu baaqay Asxaabta Somaliland inay joojiyaan buuqa ay dalka ka abuurayaan. Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa […]
Somali News8 Feb 2020
Hargeysa, (HCTV) – Kalfadhigii 71aad ee Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta Guurtidu ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qaybgalay furitaankii kalfadhigan 56 xildhibaan. Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan oo shir gudoominayey kalfadhigaasi 71aad ee maanta furmay kadib markii golahaasi ay ka soo noqdeen fasax […]
Somali News8 Feb 2020
Addis Ababa, (HCTV) – Raysal Wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau ayaa socdaal rasmi ah ku tagay magaaladda Addis Ababa ee Caasimada dalka Ethiopia, waxaanu inta uu joogo dalka Ethiopia uu ka qaybgali doonaa shirka Midawga Afrika oo maalinta Barito ka furmi doona Addis Ababa. Raysal Wasaaraha Canada ayaa la filayaa inuu toos ula kulmo qaar […]
Somali News8 Feb 2020
Addis Ababa, (HCTV) – Madaxweynayaasha dalalka Afrika ee ka qaybgalaya shir madaxeeda 33aad ee ururka Midawga Afrika ayaa u socdaalaya dalka Ethiopia, kuwaas oo si diiran uu ugu soo dhaweeyey magaalada Addis Ababa Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Dr Abiy Axmed. Shir Madaxeedkan dalalka Afrika ayaa la filayaa in 9-ka bishan February uu ka furmo caasimada […]