
“Madaxweyne Markaad Timaado wixii kuu soo qabsoomay umada u sheeg..”Siyaasi Nuradiin Diini

Somaliland President Addresses the Council on Foreign Relations (CFR) in New York

𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐦𝐞𝐞𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐈𝐬𝐮-𝐬𝐨𝐨-𝐛𝐚𝐱 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚

Somalia President Calls for UN Reform, Stronger African Representation
Somali News16 Jan 2020
Muqdisho (HCTV) – Ciidammada Dawladda Soomaaliya ee loo yaqaano Danab ayaa sheegay inay dileen Madaxii Qaraxyada ee Al-shabaab. Hawl-gal ay Ciidammadu ka sameeyeen Degmada Walla-weyn ee Gobolka Sabeelaha Hoose ee Dalka Soomaaliya ayaa waxay Ciidamadu sheegeen inay hawl-galkaa ku dileen Madaxii Qaraxyada ee Al-shabaab u qaabilsanaa Gobolka Shabeelaha hoose. Ninka la dilay Idaacadda Dawladda Soomaaliya […]
Somali News16 Jan 2020
Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dawladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb Ben Fender, kaasi oo booqasho ku yimid Somaliland. Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta […]
Somali News16 Jan 2020
Nigeria (HCTV) – Koox dablay ah ayaa siidaayey Saddex Qof oo Shaqaalaha Gargaarka ah iyo Dad kale oo Shacab ah, kuwaasi oo ay Afduub u haysteen illaa bishii December ee sannadkii hore, sida laga soo xigtay masuul ka mid ah qaramada Midoobay. Dadka la siidaayey ayaa la afduubay 22-kii bishii December, 2019, ka dib markii […]
Somali News15 Jan 2020
Nairobi, (HCTV) – Wakiilka Midawga Yurub u qaabilsan Somalia Nicolas Berlenga ayaa sheegay in Midawga Yurub uu ka soo horjeedo mabda’ ahaanba xukunada dil ah, oo xukuumadda Somaliland ay ku fulisay ragg ay maxkamaddi ku heshay inay dilal geysteen. Nicolas Berlenga, Ergayga Midawga Yurub u qaabilsan Somalia ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay […]
Somali News15 Jan 2020
Mandheera, (HCTV) – Xeer-ilaalinta guud ee Somaliland ayaa sheegtay in saaka lix gacan ku dhiigle lagu fuliyey qisaas ka dib markii ay ku cadaatay dil ay gaysteen. Lixdan nin oo muddo dheer ku jiray jeelka dhexe ee Hargeysa ayaa maanta dilkooda lagu fuliyey meel u dhow jeelka weyn ee Mandheere. Qoraalka ay soo saartay xeer […]
Somali News15 Jan 2020
Hargeysa, (HCTV) – Somaliland ayaa lagu wadaa inay dib u bilowdo dhoofinta xoolaha ee Imaaraatka Carabta toddobaadkan, sida lagu daabacay waregyska busiweek ee kasoo baxa Uganda. Shixnad u socota ka bariga dhexe ayaa lagu wadaa inay ka dhoofto dekada Somaliland ee Berbera iyada oo ay saaranyihiin tiro ka badan 5,000 oo Adhi ah. Tani waxay […]
Somali News14 Jan 2020
Hargeysa (HCTV) – Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegtay in aanu jirin sharci sheegaya in la kala diro Komishanka cusub ee aan weli hawlgelin, waxaanay xisbiyada mucaaridka ah ugu baaqday inay ixtiraamaan shuruucda waddanka u yaalla. Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ay Xukuumaddu mawqifkeeda ku caddeysay, kaasi oo uu Gelinkii […]
Somali News14 Jan 2020
London (HCTV) – Shirkadda DP World ayaa ku guuleysatay dhegaysigii u dambeeyay ee dacwadda u dhaxaysa Dawladda Jamhuuriyadda, Dacwaddaasi oo ku saabsan Dekedda Doraleh ee Dalka Jabuuti oo DP World Maalgelisay, balse Maamulkeeda ay Jabuuti kala wareegtay. Maxkamadda Xallinta Khilaafaadka Caalamiga ah ee London ayaa amartay in Jabuuti soo celiso xuquuqaha iyo faa’iidooyinka iyada oo […]
Somali News14 Jan 2020
Sida ku cad Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Degaanka Jamhuuriyadda Somaliland ee xeer Lr. 20/2001, gaar ahaan qodobka 13-aad, waxa xubnaha Komishanka xilka lagaga qaadi karaa marka ay dhacaan sida ku cad arrimaha ku xusan farqadda 1-aad ee qodobkan oo u dhigan sidan; Xubnaha Komishanka Qaranka waxa xilka lagaga qaadi (b)- Marka uu jabiyo shardi […]
Somali News13 Jan 2020
Hargeysa (HCTV) – Xukuumadda Somaliland ayaa xorriyaddiisa u soo celisay Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax). Ramaax oo muddo 20 Maalmood ka badan ku xidhnaa xarunta Ciidammada dambi-baadhista ee Magaalada Hargeysa, ayaa damaanad lagu siidaayey, sida uu HCTV u xaqiijiyey Masuul ka mid ah Xisbiga UCID. Siyaasiga Ramaax […]
Somali News12 Jan 2020
Laascaanood, (HCTV) – Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland, Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo safar ku marayey gobolada bariga Somaliland ayaa maanta gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Taliye Dabagale ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Laascaanood waxa uu kormeeray xarumaha Booliska ee magaalada Laascaanood, waxaanu Taliyuhu mar uu ciidamada bileyska kula […]
Somali News12 Jan 2020
Hargeysa, (HCTV) – Tifaftiraha HCTV Cabdiqaadir Saleebaan Casayr (Coday) oo muddo laba bilood ah ku xidhnaa Xarunta dambi baadhista ee CID-da ee magaalada Hargeysa ayaa maanta dib u helay xoriyadiisii. Maalintii shalay ayay ahayd markii Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ay ku xukuntay Tifaftiraha HCTV hal sanno oo xadhig ah iyo saddex milyan oo shillinka Somaliland ah. […]