
“Madaxweyne Markaad Timaado wixii kuu soo qabsoomay umada u sheeg..”Siyaasi Nuradiin Diini

Somaliland President Addresses the Council on Foreign Relations (CFR) in New York

𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐦𝐞𝐞𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐈𝐬𝐮-𝐬𝐨𝐨-𝐛𝐚𝐱 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚

Somalia President Calls for UN Reform, Stronger African Representation
Somali News28 Nov 2019
Berbera, (HCTV)– Gudoomiyihii xisbiga WADADNI ee gobolka Saaxil Sheekh Saleebaan Siciid Cali ayaa maanta xabsiga loo taxaabay, waxaana lagu eedeeyey in meheradiisa lagu dhexqabtay alaab dhacday oo uu iibinayey. Waaxda Fayo dhawrka dawladda hoose ee degmadda Berbera ayaa sheegtay in xadhiga Sheekh Saleebaan Siciid yimid ka dib markii uu diiday in meheradiisa laga qaado cunto […]
Somali News27 Nov 2019
Hargeysa, (HCTV) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxaanay beeniyeen war uu qorey wargeys ka soo baxa Itoobiya oo sheegay inay Somaliland ka walaacsan tahay isbedelka ku yimid siyaasadii Itoobiya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Yaasiin Maxamuud Xiir Farotoon oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaaada Hargeysa ayaa sheegay in maqaalkaasi lagu […]
Somali News27 Nov 2019
Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyeyaasha Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida ayaa kulan la yeeshay Guddigii hore ee doorashooyinka Qaranka, kuwaasi oo muddo-xileedkoodu dhamaanayo bishan. Sidaana waxa lagu sheegay War Qoraal ah oo Maanta ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada, kaasi oo u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda […]
Somali News27 Nov 2019
Congo (HCTV) – Ugu yaraan 41 Qof ayaa ku dhintay Caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ka dib Roobab si xidhiidh ah halkaasi uga da’ayey habeennimadii u dambeeyay, kuwaasi oo sababay Dhul go’. Tirada Dhimashada ee ah 41-ka Qof waxa Warbaahinta Caalamiga ah u xaqiijiyey Masuul sare oo ka mid ah Maamulka Caasimadda Congo ee […]
Somali News27 Nov 2019
Hargeysa (HCTV) – War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, Jaamac Xaaji Axmed ayaa lagu sheegay inaan Huteellada Caasimadda Hargeysa lagu qaban karin Shirar aan fasax looga haysan. Warqaddan oo uu ku saxeexan yahay Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex ayaa Huteellada lagu faray inaan lagu qaban karin Shirar, marka laga reebo Meherrada iyo […]
Somali News27 Nov 2019
Hargeysa (HCTV) – War-saxaafadeed ka soo baxay Dalalka Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin dib u dhacyada soo noqnoqday doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada Somaliland. Sidoo kale, waxa War-saxaafadeedkaasi lagu sheegay in Beesha Caalamku ka xun tahay Muddo-kordhinta labada Sanadood ah ee Golaha Guurtida sameeyay Golaha Wakiillada iyo Muddo-kordhinta uu Golaha Guurtida […]
Somali News26 Nov 2019
Somali News26 Nov 2019
Hargeysa, (HCTV) – Ururka suxufiyiinta somaliland ee SOLJA ayaa soo qaban qaabiyay kulan ku saabsan sidii loo xafidi lahaa ama loo ilaalin laha xogaha iyo macluumaadka loo adeegsado baraha bulshada noocyadiisa kala duwan. kulankani ayaa ahaa kii noociisa ah ee ay soo qaban-qaabiyo ururka suxufiyiinta somaliland ee SOLJA. Furitaankii kulankaasi waxa si qoto dheer uga […]
Somali News26 Nov 2019
Hargeysa, (HCTV) – Masuuliyiinta Xisbiga Waddani oo maanta xabsiga Mandheera oo ay ku xidhnaayeen muddo 9 cisho ah laga soo daayey ayaa warbaahinta uga waramay dareenkooda iyo sidii loola dhaqmay mudadii ay xidhnaayeen. Barkhad Jaamac Batuun, oo ah Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani iyo Khadar Xuseen Cabdi oo ah xoghayaha guud ee xisbigaasi ayaa […]
Somali News26 Nov 2019
Berbera, (HCTV) – Shaqaalaha Dekeda Berbera Ee Somaliland ayaa markii ugu horaysay loo soo xidhay tabobar iyo aqoon-korodhsi u socday muddo sanaad iyo badh ah, waxaana munaasibad balaadhan lagu gudoonsiiyey shahaadooyin ay ku mutaysteen heererka aqoontooda iyo cilmigii la soo baray. Munaasibada xaflada abaal-marinta shaqaalaha Dekeda Berbera, gaar ahaan faraca Badda, ayaa ka dhacday Huteel […]
Somali News26 Nov 2019
Hargeysa, (HCTV) – Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in la filayo in saacadaha soo socda xukuumadu ay sii dayso Masuuliyiinta xisbiga Waddani ee Xidhan. Waxaanay ilo wareedadaasi ay intaa ku darayaan in Xafiiska Xeer-ilaainta Gobolku ay saaka u qortay Maxkamada Gobolka qoraal ay ku sheegayaan in aanay wax dacwad ah u haysan masuuliyiinta xisbiga Waddani […]
Somali News26 Nov 2019
Saba-wanaag, (HCTV) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta Xabsiga dhiggay Sagaal qof oo u dhashay dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta, oo la sheegay inay si shari darro ah u Ugaarsanayeen. Raggaan la xidhay ayaa laga qabtay Garoonka diyaaradaha Cigaal International magaalada Hargeysa, kuwaas oo ku sii jeeday dalkooda, waxaana saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliland ay […]