Somali News26 Nov 2019
Mali, (HCTV) – Saddex iyo toban Askari oo Faransiis Ah ayaa ku dhintay kadib markii ay isku dhaceen laba diyaaradood oo Heicopter ah gudaha dalka Mali, waxaana loo malaynayaa inuu yahay khasaaraha keli ah ee ugu weyn ee ciidamada Yurub ee halkaas ku sugan soo gaadhay tan iyo 2013. Shilkan ayaa dhacay fiidnimadii Isniinta iyadoo […]
Somali News25 Nov 2019
Hargeysa, (HCTV) – Madaxa Xafiiska dawladda UK ay ku leeyahay magaalada Hargeysa ee Somaliland, Stuart Brown ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqay inay degdeg usii dayso masuuliyiinta xisbiyada Mucaaridka ee xidhan, waxaanu sheegay in dawladda UK ay si qoto dheer uga walaacsan tahay sii socoshada xadhiga Masuuliyiinta Mucaaridka ee Somaliland. Madaxa Xafiiska dawladda UK ay ku […]
Somali News25 Nov 2019
Hargeysa (HCTV) – Xoghayaha Arrimaha gudaha iyo xidhiidhka Gobollada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax ku eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay Siyaasiyiin xilal ka haya Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay inay ka shaqeeyaan sidii ay Somaliland u dumin lahaayeen. Mr. Ramaax oo […]
Somali News25 Nov 2019
Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa difaacay Muddo-kordhinta markii lixaad loo sameeyay Golihiisa, waxaanu sheegay in Muddo-kordhinta Guurtidu u samaysay Golaha Wakiilladu ay tahay Sharci. Guddoomiyaha oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in muddo kordhintu tahay laba sanadood, laakiin ay muddadaasi ku yar tahay, sidaasi darteedna […]
Somali News25 Nov 2019
Riyaadh (HCTV) – Maxkamad ku taalla Dalka Sucuudiga ayaa xukun ku ridday 38 Qof, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay Maalgeliyeen Ururrrada Argagixisada. 38-ka Qof ayaa lagu riday Xukuno u dhexeeya 30 Bilood illaa 25 Sanadood oo Xabsi ah. Sidaana waxa soo weriyey Telefiishanka Dawladda Sucuudiga ee Al Ekhbariya oo soo xiganaya Laamaha Amniga Sucuudiga. Dadka […]
Somali News25 Nov 2019
Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday xeer-ilaaliyihii guud ee Somalia Axmed Cali Daahir, waxaanu Madaxweynuhu magacaabay Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud inuu noqdo xilka Xeer Ilaaliyaha cusub ee Somalia. Magacaabistan ayaa ku timid soojeedintii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, baahida loo qabo in la dardargeliyo hawlaha […]
Somali News25 Nov 2019
Hargeysa, (HCTV) – Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee UCID iyo Waddani ayaa maanta kullan ay ku yeesheen magaalada Hargeysa, waxay ku samaystay guddi ka kooban 22 xubnood oo ka soo talo bixiya xaaladdda dalku uu marayo. Guddidan oo noqon doonta guddi hawleed darsa xaalada dalku uu ku sugan yahay, sida uu sheegay Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil […]
Somali News25 Nov 2019
Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa Maanta Madaxweynaha Somaliland hortiisa ku dhaariyey lix ka mid ah Xubnaha cusub ee Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland. Xubnaha la dhaariyey oo tiradoodu dhan tahay Lix ayaa waxa soo kala Magacaabay Madaxweynaha, Golaha Guurtida iyo Xisbiga UCID, laakiin waxa ka maqan Xubin […]
Somali News24 Nov 2019
Hargeysa, (HCTV ) – Labadda xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI ayaa si wadajir ah u qaadacay muddo kordhinta golaha Guurtiddu u samaysay golaha Wakiiladda Somaliland, waxaanay xuseen in aanay marnaba aqbali doonin inay la shaqeeyaan xubnaha komishanka doorashooyinka illaa inta ay ku jiraan xubnaha aan buuxin shuruucda gudida doorashooyinka. Shir deg deg ah oo […]
Somali News24 Nov 2019
Doxa/Ankara, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa socdaal ugu baxaya maalinta Isniinta ee barito si uu ula kulmo Amiirka dalka Qadatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani. Socdaalka Madaxweynaha Turkiga oo ah martiqaad rasmi ah ayaa labada hogaamiye ay kaga wadahadali doonaan xidhiidhka labada dal arimo kale oo ku saabsan gobolka. Ankara […]
Somali News24 Nov 2019
Hargeysa, (HCTV) – Wasiirka Horumarinta Maaliyada Somaliland, Dr Sacad Cali Shire ayaa maanta kulan la yeeshay guddi hoosaadka dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland, kulankan Wasiirka Maaliyada iyo Guddi hoosaadkaasi dhexmaray ayaa lagaga hadlay miisaaniyada 2020-ka oo la filayo in la ansixiyo maalinta barito. Kulankan guddi hoosaadka dhaqaalaha ee Baarlamaanku ay la yeesheen masuuliyiinta Wasaarada Horumarinta […]
Somali News24 Nov 2019
Hargeysa, (HCTV) – Hoggaamiyaha xisbiga Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyey inay ku tumanayso sharciga dalka, waxaanu tilmaamay in Adayga iyo adadkaantu ay tahay qofka ku adag cadowga balse aanay ahayn qofka ku adag shacabkiisa. Xirsi Cali Xaaji Xasan Hogaamiyaha xisbiga Waddani waxa uu sidaasi ku sheegay mar […]

“Madaxweyne Markaad Timaado wixii kuu soo qabsoomay umada u sheeg..”Siyaasi Nuradiin Diini

Somaliland President Addresses the Council on Foreign Relations (CFR) in New York

𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐦𝐞𝐞𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐈𝐬𝐮-𝐬𝐨𝐨-𝐛𝐚𝐱 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚

Somalia President Calls for UN Reform, Stronger African Representation