
“Madaxweyne Markaad Timaado wixii kuu soo qabsoomay umada u sheeg..”Siyaasi Nuradiin Diini

Somaliland President Addresses the Council on Foreign Relations (CFR) in New York

𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐦𝐞𝐞𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐈𝐬𝐮-𝐬𝐨𝐨-𝐛𝐚𝐱 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚

Somalia President Calls for UN Reform, Stronger African Representation
Somali News19 Oct 2019
Hargeysa(HCTV) – Madaxweynaha dalka Guinea Alpha Conde, ayaa Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele oo dalkiisa booqanaya wuxuu uga mahadceliyay dedaalo uu sheegay inuu ku dhexdhexaadinayo Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweyne Alpha Conde, ayaa wuxuu qado sharaf u sameeyay Madaxweyne Geele iyo weftigiisa, waxaanu Madaxweyne Alpha uu khudbaddiisa ugu mahadceliyay Madaxweyne Geele oo uu sheegay inuu dalkaas […]
Somali News19 Oct 2019
Hargeysa (HCTV) – Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Maanta War-bixin siiyey gole-weynaha ayaa sheegay inay baadhitaan ku sameeyeen Xeerka cusub ee Wasaaradda Waxbarashadu u samaysay inay ku maamusho Waxbarashada, waxayna Guddigu sheegeen In Xeerkaasi meelo ka mid ahi uu khilaafsan yahay Xeerka guud ee Waxbarashada. Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga joogtada ah ee Golaha […]
Somali News19 Oct 2019
Selel (HCTV) – Ciidammada Qaranka Somaliland ayaa Gacanta ku dhigay 9 Harimo-cad oo la doonayey in Dalka dibeddiisa loo dhoofiyo, Afar Qof oo Watay iyo Gaadhigii ay adeegsanayeen. Sidoo kale, waxa Gobolka Sool lagu soo qabtay laba Harimo-cad oo iyagana la sheegay in la doonayey in dalka dibeddiisa loo dhoofiyo, dhammaana waxay Ciidammada amnigu ku […]
Somali News19 Oct 2019
Jigjiga (HCTV) – Boqollaal Gaadiid ah ayaa ku xaniban Jidka u dhexeeya Magaalooyinka Goday illaa Jigjiga, ka dib markii uu go’ay Biriij halkaasi ku yaallay. Biriijka ayaa waxa jaray Daadad waaweyn oo ka dhashay Roobab Maalmihii u dambeeyay ka da’ayay deegaannada Soomaalida ee Itoobiya, taasina waxay keentay in dhammaan gaadiidkii iskaga kala gooshayey Jigjiga illaa […]
Somali News18 Oct 2019
Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta qayb-galay aas qaran oo loo sameeyey Marxuum Cabdilaahi Cige Muuse (Obsi) oo lagu aasay Xabaalaha Sheekh Nuur ee Barriga Hargeysa ka dib markii lagaga tukaday salaadda jinaasada masjidka tabliiqiyiinta ee Hargeysa. Waxaana Aaska Marxuumka ka soo qayb-galay haldoorka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhamaantood ka markhaati […]
Somali News18 Oct 2019
Afghanistaan (HCTV) – Tobanaan Qof ayaa ku dhintay, in ka badan boqolna way ku dhaawacmeen dhowr Qarax oo ka dhacay Masaajid ku yaalla Gobolka Nangarhar ee bariga Dalka Afghanistan. Attaullah Khogyani oo ah Afhayeenka Badhasaabka Nangarhar ayaa sheegay in Qaraxyada ka dhacay Masaajidka Jimcihii Maanta ay ku dhinteen ugu yaraan 62 Qof, Qaraxyada ayaa dumiyey […]
Somali News18 Oct 2019
Hargeysa (HCTV) – Munaasibad lagu qabtay Xarunta SAHAN ee lagu dabiibo, laguna daryeelo Dadka qaba Xanuunnada Dhimirka ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa Makiinnadaha Dharka lagu tolo iyo Kabo waxa lagu guddoonsiiyey 13 Qof oo ka Qalin-jebiyey Xirfadda Dawaarka oo markii ay Caafimaadeen halkaa lagu baray. Makiinnadaha Dawaarka ee lagu wareejiyey 13-ka Qof oo Xirfadda Dawaarka […]
Somali News18 Oct 2019
Nagarham, (HCTV) – Ugu yaraan 62 qof ayaa ku dhintay, halka boqol qof in ka badana ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax xoogan ala beegsaday masaajid ku yaala gobolka Nagarham ee daka Afghanistan, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dawladda dalkaasi. Attaullah Khogyani, oo ah afhayeen u hadlay badhasaabka gobolka, ayaa sheegay in ugu yaraan […]
Somali News18 Oct 2019
Beirut, (HCTV) – Dibadbaxyo balaadhan ayaa ka socda guud ahaan dalka Lebanon maanta oo Jimce ah, kaas oo kumanaan dadweyne ahi ay ku dalbanayaan in taliska xukuma dalkaasi uu xilka baneeyo. Dibadbaxan oo socda maalintii ayaa dadka dibadbaxayaa waxay wadooyinka ku gubayaan Taayiro, iyagoo sidoo kalena bartilmaameedsaday goobaha dawlada. Waxaanu dibadbaxani salka auu ku hayaa […]
Somali News18 Oct 2019
Garoowe, (HCTV) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in la xalinayo sida uu hadalka u dhigay khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Jubbaland. Wuxuu sheegay in dhinacooda ay diyaar u yihiin in ay kaalin mug leh ka qaataan sdii loo dhameyn lahaa khilaafka labada dhinac, isaga oo yidhi ‘’ Puntland waxey […]
Somali News17 Oct 2019
Hargeysa, (HCTV) – Laba haweena ayaa ku geeriyooday, halka lix kalena ay dhaawacyo ka soo gaadheen kadib markii shalay laba gaadhi ay isku galeen deegaanka Diinqal oo bari ka xiga magaalada Hargeysa. Lixda qof ee shilkan gaadhi ku dhaawacmay ayaa waxa ku jira laba caruur ah oo mid ka mid ah ay dhashay hooyo ku […]
Somali News17 Oct 2019
Hague, (HCTV) – Raysal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Khadar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay aqbashay go’aanka maxkamadda ICJ ee dib u dhigista Dacwadda Badda, isla markaana uu noqdo mid kama dambeys ah. Mahdi Maxamed, Raysal wasaare ku-xigeenka Somalia waxa uu intaasi ku daray in Dowladda Soomaaliya hore ay u diiday dalabka dowladda […]