
“Madaxweyne Markaad Timaado wixii kuu soo qabsoomay umada u sheeg..”Siyaasi Nuradiin Diini

Somaliland President Addresses the Council on Foreign Relations (CFR) in New York

𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐦𝐞𝐞𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐈𝐬𝐮-𝐬𝐨𝐨-𝐛𝐚𝐱 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚

Somalia President Calls for UN Reform, Stronger African Representation
Somali News15 Sept 2019
Tehran, (HCTV) – Dawlada Iran ayaa gaashaanka ku dhufatay inay wax lug ah ku lahayd weeraradii lagu qaaday warshadaha shidaalka ee Sucuudi Carabiya, waxaanay Mareykanka ku eedeysay inuu yahay khaa’in kadib markii Xoghayaha Arimaha Dibada Mike Pompeo uu tilmaamay in Tehran ay ka dambeysay weeraradii diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee lagu qaaday laba xarumood oo […]
Somali News15 Sept 2019
Ouagadougou, (HCTV) – Hogaamiyeyaasha Galbeedka Afrika ayaa shir ay ku yeesheen Burkina Faso waxa ay ku dhawaaqeen inay ku balanqaadeen lacag gaadhaysa $1bn oo lagula dagaalamo kooxaha nabadgalyo darada ka wada gobolka Sahel. Balanqaadkan oo qorshihiisu yahay in in la maalgeliyo 2020 illaa 2024, ayaa lagu dhawaaqay Sabtidii dhammaadka Shirweynaha Dhaqaalaha Dhaqaalaha ee Waddamada Galbeedka […]
Somali News15 Sept 2019
Berbera (HCTV) – Hal Qof oo Dumar ah ayaa Xalay ku Geeriyootay Magaalada Berbera, ka dib markii uu ku dhacay Taawarrada Laydhka oo Shub ka samaysnaa, kaasi oo ku hor taagnaa Gurigeeda oo ku yaalla Xaafadda Daaroole. Haweenayda Geeriyootay ayaa iyada iyo Carruurteeda oo 7 ah waxay seexdeen Guriga Hortiisa, maaddaama oo ay xilligan kulushahay […]
Somali News15 Sept 2019
Afghanistan (HCTV) – Kooxda Taliban ee dagaallada ka wada Dalka Afghanistaan ayaa Shacabka Dalkiisa uga digay inay u safraan ama u socdaalaan oo ay tagaan Dalka Maraykanka. Taliban ayaa digniinta ay ka soo saareen in loo Safro Dalka Maraykanka waxay sabab uga dhigeen inay kordhayso Toogashada ka dhacda Gobollada Maraykanka ee ay Dadka Shacabka ah […]
Somali News15 Sept 2019
Borama (HCTV) – Hawl-gal ballaadhan oo ay wadaan Ciidammada Booliska ee Magaalada Boorama ayaa waxay ku qab-qabteen dhallinyaro ka badan ka badan 50, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay rabshado ka sameeyeen Magaaladaasi. Saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Awdal, Guutaale ayaa Telefiishanka HCTV u sheegay in dhallinyarada qaarkood la xidh-xidhay oo […]
Somali News15 Sept 2019
USA (HCTV) – Dawladda Maraykanka ayaa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ku eedaysay Weerarkii Shalay lagu qaaday laba Goobood oo lagu Warshadeeyo Shidaalka Sucuudiga. Weerarka oo loo adeegsaday laba diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ayaa waxa geystay khasaare laxaad leh, kaasi oo gaadhsiisan in wax soo-saarkii Shidaalka ee Sucuudiga uu hoos u dhaco […]
Somali News15 Sept 2019
Riyaadh (HCTV) – Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxmed Bin Salmaan ayaa u sheegay Madaxweynaha Maraykanka Doland Trump in boqortooyadu awood u leedahay inay jawaab ka bixiso Weerarrada Xuutiyiintu ku hayaan Goobaha Muhiimka ah ee Boqortooyada Sucuudiga, kaasi oo ay ugu dambeeyeen Weerarro lagu qaaday Goobaha lagu Warshadeeyo Shidaalka Sucuudiga, kaasi oo dhacay Sabtidii Shalay. “Boqortooyadu diyaar […]
Somali News14 Sept 2019
Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa shirgudoonka golaha guurtida dib ugu soo celiyay mid ka mid ah laba xubnood oo uu guddoomiyaha golahaasi Saleeban Maxamuud Aadan u gudbiyay si ay uga mid noqdaan guddiga cusub ee doorashada. Warar xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Mr. Foosi Maxamed Faarax oo ka mid ahaa […]
Somali News14 Sept 2019
Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay inuu ku fashilmay hoggaaminta Dalka, sidaasi darteedna wuxuu ugu baaqay inuu iska wareejiyo Talada Dalka. Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada ee Xisbiga WADDANI, Maxamed Sidiiq Dhamme oo Maanta saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Waxaanu dareemaynaa in Xisbiga […]
Somali News14 Sept 2019
Berbera (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Garoonka diyaaradaha ee Berbera ee Imaaraadku dhisayo aanu noqon doonin Garoon Ciidan, balse uu noqon doono Madaar Shicibku isticmaalo. Madaxweynaha oo Maanta ka hadlayey Magaalada Berbera ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Madaarkii la lahaa Imaaraadka dhisaya oo waa Ciidan iyo Ciidan maaha, […]
Somali News14 Sept 2019
Saudi (HCTV) – Diyaarado Drones ah oo ay leeyihiin Jabhadda Xuutiyiinta ee Yemen ka dagaalama ayaa weerarray laba Xarumood oo ay maamusho Shirkadda Shidaalka ee Sucuudiga ee Armaco. Sida uu xaqiijiyey Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Sucuudiga oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee Sucuudiga, labada diyaaradood oo Qarax ahaan loo adeegsaday ayaa […]
Somali News13 Sept 2019
Marka, (HCTV) – Dagaal culus ayaa duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ee Somalia ku dhexmaray ciidamada Dowladda iyo xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan Guutada 14-ka October ayaa weerar ku qaaday deegaanka Jilib Marka, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana halkaasi ku dhexmaray labada […]