
“Madaxweyne Markaad Timaado wixii kuu soo qabsoomay umada u sheeg..”Siyaasi Nuradiin Diini

Somaliland President Addresses the Council on Foreign Relations (CFR) in New York

𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐦𝐞𝐞𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐈𝐬𝐮-𝐬𝐨𝐨-𝐛𝐚𝐱 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚

Somalia President Calls for UN Reform, Stronger African Representation
Somali News25 Aug 2019
Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si tadaxar leh uga hadlay Calanka Maamul-gobolleedka Puntland oo toddobaadkan laga taagay Degmada Badhan ee Bariga Gobolka Sanaag. Faysal oo Maanta Saxaafaddu waydiisay sababta uu u malaynayo inay Xukuumadda Somaliland uga hadli wayday Calanka Puntland ee laga taagay Degmada Badhan, ayaa […]
Somali News25 Aug 2019
Hargeysa (HCTV) – Suldaanka guud ee beelaha Habar Yoonis, Suldaan Maxamed Xirsi Qani oo goor dhawayd Saxaafadda la hadlay ayaa ka dareen-celiyey hadal ka soo yeedhay Taliyaha guud ee Ciidammada Qaranka, Nuux Ismaaciil Taani. Taliye Taani oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Miiska saraakiisha ee Magaalada Hargeysa ayaa eedaymo u jeediyey Kornayl Caarre oo Cadho […]
Somali News25 Aug 2019
Hargeysa, (HCTV) – Kornayl Siciid Cawil Caarre oo hore uga goostay ciidamada Somaliland ayaa ka jawaabay eedo uga yimid taliyaha Ciidamada Milatariga Somaliland oo ku eedeeyey Kornaylku inuu Dambiile Qaran Yahay. Kornayl Siciid Cawil Caarre oo khadka Telefoonka ugu waramay Telefishanka Caalamiga ah ee HCTV ayaa sheegay in hadalka Nuux Taani uu u qaadanayo inaanu […]
Somali News25 Aug 2019
UK (HCTV) – Dawladda boqortooyada Ingiriiska ayaa Markabkii dagaal ee Saddexaad u dirtay Khaliijka Carabta, si uu uga qayb-qaatay Difaaca Maraakiibta halkaa mara, ka dib markii Markab UK leedahay lagu qabsaday Marinka Hormuz. Markabka saddexaad ee UK u dirtay Khaliijka Carabta ayaa waxa xaqiiyey Wasiirka Difaaca Ingiriiska, sida uu baahiyey Wargeyska The National oo HCTV […]
Somali News25 Aug 2019
Kutupalong, (HCTV) – Kumanaan qoxootiga Muslimiinta Rohingya ayaa isugu soo baxay dibadbax ay ku muujinayaan xaaladooda laba sanadood ka dib markii dagaal Isir-Sifayn ah ay kala kulmeen dalkooda Myanmar. Qaxoontigan tirada badan ee qoomiyada Rohinggya ayaa isku soo baxan ay ka dhigeen dalka Bangaladesh waxa ay ku dalbadeen in dalkooda Mayanmar looga ogolaado dhalashada ay […]
Somali News25 Aug 2019
Hargeysa, (HCTV) – Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa dambiile qaran ku tilmaamay Kornayl Siciid Cawil Caarre oo hore uga tirsanaa ciidamada Qaranka Somaliland, kaas oo sidoo kale sheegay in Caarre uu dad badan oo ciidamo iyo dad shicib ahba isugu jira uu ku dilay gobolka Sanaag. Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland, […]
Somali News25 Aug 2019
“Kuwaa Tagay Iyo Kuwo Kaleba Uma Baahna Qaranku Inay Iska Tagaan Ayaa Wanaagsan” Taliye Nuux Ismaaciil Taani Hargeysa, (HCTV) – Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta miiska saraakiisha ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ciidamada ka goostay Somaliland ay ahaayeen kuwo aan waxba ugu filayn Somaliland, […]
Somali News25 Aug 2019
Biarritz, (HCTV) – Hogaamiyeyaasha dalalka aduunka ayaa isugu yimid shirka dalalka G7 oo ka furay dalka Faransiiska, waxaana kulan ay yeesheen ka hadlay Madaxweynaha golaha Midawga Yurub President Donald Tusk kaas oo sheegay in ay shaqo adag tahay in laga shaqeeyo midnimada iyo danaha guud, maadaama oo lagu kala qaybsan yahay dhawr arimood oo ay […]
Somali News24 Aug 2019
Hargeysa, (HCTV) – Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Masuuliyiinta Wargeyska Madaxabanaan ee FOORE ayaa sheegay in Maxkamada Racfaanka Somaliland ay ka qaaday xayiraadii saarnayd Wargeyskaasi. Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland, Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin xukunkaa Maxkamada Racfaanku ay soo saartay ee ay xayiraada kaga qaaday Wargeyska Madaxabanaan ee FOORE. […]
Somali News24 Aug 2019
Muqdisho, (HCTV) – Dalka Somalia ayaa diiday dalab uga yimid guddi ka socday Midowga Afrika oo codsaday inay dhageystaan muranka la xidhiidha badda ee kala dhaxeeya dalka Kenya. Wasaaradda Khaarajiga Somalia ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in dacwada kiiskan ku saabsan ay hor taalo maxkamada Cadaallada ee ICJ, isla markaana aanay jirin sabab […]
Somali News24 Aug 2019
Tehran, (HCTV) – Dalka Iran ayaa ganay gantaal cusub oo ay tijaabinayaan, sida uu sheegay Taliyaha Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee dalka Iran oo ay soo xigatay Wakaalada wararka ee dalkaasi ee Tasnim. “Dalkeenu badanaa waa meel soo bandhigta tijaabada hanaan kala duwan oo difaaca ah iyo hanaanka istaraatajiyada, mana joojinayo talaabooyinka lagu kobcinayo awooda […]
Somali News24 Aug 2019
Hargeysa (HCTV) – Waxa Maalmihii u dambeeyay soo baxayey Warar sheegaya in Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay Idaacad ku rakibeen Bariga Gobolka Sanaag, gaar ahaan Magaalada London. Idaacaddan oo Wararka sheegayaa soo badanayeen ayaa Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtidu waydiiyeen waxay Xukuumad ahaan kala socdaan, waxaanu Wasiirka oo su’aashaa ka jawaabayaa uu sheegay in […]