
“Madaxweyne Markaad Timaado wixii kuu soo qabsoomay umada u sheeg..”Siyaasi Nuradiin Diini

Somaliland President Addresses the Council on Foreign Relations (CFR) in New York

𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐦𝐞𝐞𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐈𝐬𝐮-𝐬𝐨𝐨-𝐛𝐚𝐱 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚

Somalia President Calls for UN Reform, Stronger African Representation
Somali News18 Jul 2019
Hargeysaa (HCTV) – Xukuumadda Somaliland ayaa Gef siyaasadeed ku tilmaantay Guddi ka kooban lix xubnood oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo Madaxweynaha Soomaaliya u Magacaabay Wada-hadallada Somaliland. War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland oo soo gaadhay HCTV ayaa lagu sheegay inaan Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya dhacaynin illaa Soomaaliya garwaaqsato in Midnimadii Soomaaliya burburtay […]
Somali News18 Jul 2019
Congo (HCTV) – Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa ku dhawaaqaday in Cudurka halista ee Ebola uu ka dillaacay dalka Congo. “Waa Xilligii adduunka la ogaysiin lahaa..” ayuu yidhi, Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus oo qoraal soo saaray “Waxaynu u baahan nahay inay si wada jir ah ula shaqayno Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo una […]
Somali News18 Jul 2019
Uganda (HCTV) – Dawladda Uganda ayaa ku dhawaaqday inay qorshaynayso inay diwaangeliso dhamaan Beeralayda iyo Xoolahooda, waxaase xusid mudan in waxyaabaha Dawladdu qorshaynayso ay ka mid tahay inay bixiso shahaadooyinka dhalashada ee Xoolaha, gaar ahaan Lo’da, si loo raad-raaco wax soo-saarkooda. Warbaahinta East African ayaa soo werisay in Wasiirka Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Uganda […]
Somali News18 Jul 2019
Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez iyo wefti uu hoggaaminayo. Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, kaasi oo u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta […]
Somali News18 Jul 2019
Cambodia (HCTV) – Dawladda Dalka Cambodia ayaa noqotay Dalkii ugu dambeeyay ee Aasiyaan ah ee diida in loo soo dhoofiyo Qashinka ka soo hadha Alaabooyinka ay isticmaalaan Shirkadaha reer Galbeedku. Madaxda Dawladda Cambodia ayaa Arbacadii Shalay ku dhawaaqay inay Kanada iyo Maraykanka u dirayaan ama ku celinayaan 1,600 Tan oo Qashin ah oo ay markii […]
Somali News18 Jul 2019
Pakistan (HCTV) – Ciidammada Booliska ee dalka Pakistan ayaa Xabsiga u taxaabay Hafiz Muhammad Saeed, kaasi oo ah Aasaasaha urur magaciisu yahay Lashkar-e-Taiba (LeT), isla-markaana hubaysan. Wadaadkan ayaa waxa Arbacadii Xidhay Ciidammada la dagaalanka Aragagixisada ee Pakistan, waxayna ka xidheen Magaalada Kamoke oo qiyaastii 50KM Waqooyi ka xigta Caasimadda labaad ee Pakistaan ee Lahore, sida […]
Somali News18 Jul 2019
Washington, (HCTV) – Xildhibaan Chuck Schumer oo ka tirsan aqalka Senate-ka dalka Maraykanka ayaa hay’adda FBI-da dalka Maraykanka ugu baaqay inay baadho FaceApp, kaas oo dad badan oo dalka Maraykanku ay mudooyinkii u dambeeyey si weyn ugu isticmaalayeen in sawirkooda ay uu ugu ekaysiiyo qof da’ ah iyo ama qof yar. Warqad uu soo dhigay […]
Somali News18 Jul 2019
Morogoro, (HCTV) – Mahad Abdullah Nuur ayaa ahaa ganacsade maskax furan oo si weyn looga yaqaanay dalka Tanzania kaas oo lagu dilay weerarkii Ismiidaaminta iyo Toogashada wada socday ee ka dhacay hotel ku yaala magaalada Kismaayo ee maamul goboleedka Jubaland. Mahad, walaalkiisa ka yar iyo Aabihii Mzee Guled Nur, ayaa ka soo cararay dagaaladii Somalia […]
Somali News18 Jul 2019
Minnesota, (HCTV) – Isku soo bixii ugu horeeyey ee Madaxweynaha dalka Maraykanku Donald Trump uu ku doonayo in dib loogu doorto mar kale sanadka 2020 ayuu dib ugu cusboonaysiiyey dagaalka dhinaca midabka oo uu ku qaaday afarta balood eek u jira aqalka Kongres-ka dalka Maraykanka. Waxaana dad taageersan Madaxweynaha dalka Maraykanka ay ku qaylinayeen “Dib […]
Somali News18 Jul 2019
Washington, (HCTV) – Dawlada Maraykanka ayaa ku dhawaaqay inay meesha ka saarayso barnaamijkii diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee ay iska kaashanayeen dalka Turkiga, talaabadan ayaa dalka Maraykanku uu mudoba ku hanjabayey kadib markii dawlada Ankara ay bilawday in dalkeeda loo soo raro hanaanka difaaca Gantaalada ee dalka Ruushka todobaadkii u dambeeyey. Waxaana qaybigii ugu horeeyey […]
Somali News18 Jul 2019
Kyoto, (HCTV) – Ugu yaraan 23 qof ayaa ku dhintay tiro inaa ka badana waa al la’ayahay kadib markii uu dab ka kacay xarun studio ah oo ku taala magaalada Kyoto ee dalka Japan, sida ay ku waramayso wakaalada wararka ee Associated Press. Sarkaal ka tirsan qaybta dab-damiska ee Kyoto oo magaciisa la yidhaa Satoshi […]
Somali News18 Jul 2019
Gaalkacayo, (HCTV) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka dawladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay Guddida qaban qaabada Shirweynaha Dib u Heshiisiinta Galmudug. Xubnaha guddidan ayaa ka kooban 12 Xubnood oo labo ay haween yihiin, kuwaas oo xubnaha ka dhex muuqday ay ku jiraan xubno ku dhow Xafiiska Raysall Wasaaraha Somalia, Siyaasiyiin hore iyo mas’uuliyiin hore xilal […]