
“Madaxweyne Markaad Timaado wixii kuu soo qabsoomay umada u sheeg..”Siyaasi Nuradiin Diini

Somaliland President Addresses the Council on Foreign Relations (CFR) in New York

𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐦𝐞𝐞𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐈𝐬𝐮-𝐬𝐨𝐨-𝐛𝐚𝐱 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚

Somalia President Calls for UN Reform, Stronger African Representation
Somali News16 May 2019
Muqdisho (HCTV) – Ciidammada Amniga ayaa la sheegay inay Gacanta ku dhigeen Nin lagu tuhunsan yahay inuu bixiyey Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Dawladda Federaalka Soomaaliya joojisay. Ninkan oo Magaciisa lagu sheegay Jamaaludiin Xasan Xirsi ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada isla-markaana ka mid ahaa Masuuliyiinta ka shaqaynayey Imtixaanaadka Shahaadiga ah, sidaasi […]
Somali News16 May 2019
Hargeysa (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland, Cabdirisaaq Cali Cabdi ayaa difaacay Xuska Maalinta 18-ka May, ka dib markii Dad qaarkood ay dood ka keeneen sugnaanshiyaheeda. Wasiirka Cadaaladda oo la waydiiyey sida uu u arko hadal uu Xildhibaan Dhakool oo la xidhay ku sheegay in SNM Dad baro-kicisay isla-markaana 18-ka May ay tahay Maalin ay […]
Somali News16 May 2019
Hargeysa (HCTV) – Wefti ka socda Baarlamaanka Dalka Uganda ayaa socdaal ku yimid Somaliland. Weftigan ayaa Maanta kulamo gooni gooni ah la yeeshay Guddiyada Arrimaha dibedda ee Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida Somaliland. Xildhibaannada ka socda Baarlamaanka dalka Uganda oo kulamada ay la yeesheen Guddiyada arrimaha dibedda ee Baarlamaanka Somaliland aanay Saxaafaddu goob-joog ka ahayn, ayaa […]
Somali News16 May 2019
Khartoum (HCTV) – Hoggaamiyeyaasha Milletariga Dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqay inay muddo 72 Saacadood ah hakiyeen Wada xaajooyo ay qayb ka ahaayeen Hoggaamiyeyaasha dibed-baxayaasha Suudaan, si loo soo dhiso Xukuumad wadaag ah. Sidaa waxa lagu sheegay Qoraal uu soo saaray Ninka ugu sarreeya Milletariga gacanta ku haya Xukunka Dalka Suudaan Abdel Fattah al Burhan, kaasi […]
Somali News15 May 2019
Hargeysa, (HCTV) – Safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya Somalia, Ambassador Ben Fender ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey Telefishanka HCTV waxa uu kaga hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Khilaafka Xisbiyada Somaliland, Qabsoomida Doorashada Baarlamaanka, Saxaafada, wadahadalada Somaliland iyo Somalia iyo Xaalada Abaaraha, dhibaatooyinka dhinaca cuntada ee Somaliland iyo Somalia ka […]
Somali News15 May 2019
Iraq (HCTV) – Dawladaha Netherlands iyo Jarmalka ayaa joojinaya Hawl-gallo ay ka wadeen Dalka Ciraaq, ka dib markii ay soo baxeen Cabsi amaan-darro. Telefiishanka RT ayaa baahiyey in Dawladda Netherlands ay Jarmalka ku raacday inay joojiyaan hawl-galladii ay ka wadeen Ciraaq, hawl-galladaasi oo ay ka mid ahayd Tababbaro ay siinayeen Ciidammada Ciraaq, iyagoo taageeraya Maamulka […]
Somali News15 May 2019
Hargeysa (HCTV) – Madaxtooyada Somaliland ayaa ka hadashay eedaymo Xukuumadda loogu jeediyey Xadhigga Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka soo horjeedsaday Xuska 18-ka May. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Shaly Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xadhigga Xukuumaddu kula kacday Xildhibaan uu yahay Sharci-darro, balse Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac […]
Somali News15 May 2019
Hargeysa (HCTV) – Baanka dhexe ee Somaliland ayaa sheegay inay Ganacsatada ku wacyi-gelinayaan inay wax ku iibiyaan Qiimaha uu Baanku gaadhsiiyey Sarifka lacagta dollarka, kaasi oo ah halka dollar 8400, halka Ganacsatada qaarkood Halka dollar ku qiimeeyaan 10,000 kun oo Shilin. Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo Maanta hor-tagay Guddiga joogtada […]
Somali News15 May 2019
Hargeysa (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Ganacsatada waaweyni aanay bixinin Cashuurta ku waajibtay, balse Mushaharka Ciidammada iyo Dhakhaatiirta Dalka lagu bixiyo Cashuurta laga qaado Ganacsatada yaryar. Wasiir Maxamed Kaahin oo Maanta xog-warran siiyey Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi […]
Somali News15 May 2019
Burco (HCTV) – Roobab ka da’ay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa gooyey Biriij ay Isticmaali jireen Dadka ku Ganacsada ama kuwa ka adeegta Sariimadda Xaafadda Dhuurta ee Magaaladaasi. Buundadan oo loogu talo-galay inay Dadweynuhu isticmaalaan ayaa waxa gooyey Roobab Maalmihii u dambeeyay ka da’ayey Magaalada Burco, sida uu soo warramay Weriyaha […]
Somali News15 May 2019
Khartoum (HCTV) – Milletariga Dalka Suudaan ee Awoodda dalkaasi Bishii hore kala wareegay Madaxweynihii Muddada dheer xukunka dalkaasi hayey Cumar Xasan Al-bashiir, ayaa Kooxaha Mucaaradka ah ee Mudahaaraddada dalkaasi ka waday la gaadhay Heshiis ah inay saddex sannadood xukunka hayaan, markaa ka dibna Talada ku wareejiyaan Rayidka. Hoggaamiyeyaasha Dibed-baxayaasha Suudaan iyo Milletariga ayaa isku afgartay […]
Somali News14 May 2019
Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Cirro oo Shalay dalka dib ugu soo laabtay, ka dib safar uu ugu maqnaa Dalka Kenya ayaa ka hadlay Warar laga baahiyey inuu Dalka ka maqnaa. Guddoomiye Cirro wuxuu beeniyey inuu Magaalada Nairobi kula kulmay Safiirka Dalka Qatar u fadhiya Kenya, balse wuxuu xaqiijiyey […]