
“Madaxweyne Markaad Timaado wixii kuu soo qabsoomay umada u sheeg..”Siyaasi Nuradiin Diini

Somaliland President Addresses the Council on Foreign Relations (CFR) in New York

𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐦𝐞𝐞𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐈𝐬𝐮-𝐬𝐨𝐨-𝐛𝐚𝐱 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚

Somalia President Calls for UN Reform, Stronger African Representation
Somali News11 May 2019
Xudayda, (HCTV) – Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa ciidamadooda kala baxay magaalo dekedeeda Xudayda, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay oo talaabadan ku tilmaantay mid wadada u xaadhaysa wadaxaajood siyaasadeed oo lagu soo afjaro dagaalka afarta sanadood ka socday dalkaasi. Kooxdan xuutiyiinta ayaa iyagu afar sano ka hor ciidamadooda soo dhigay magaalooyinka dekedaha […]
Somali News11 May 2019
Hargeysa, (HCTV) – Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, oo labada gacmood ka silsiladaysan ayaa maanta la horgeeyay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa. Xildhibaan Dhakool oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa habeenimadii Jimcihii la soo xidhay, kaas oo loo haysto eedo ah inuu ka soo horjeestay Xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka uu ku tilmaamay maalin […]
Somali News11 May 2019
Hargeysa, (HCTV) – Alle ha u naxariistee Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo ka tirsanaa Golaha Guurtida Somaliland oo maalintii shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa ayaa aas qaran maanta loogu sameeyey deegaanka Toon oo koonfur kaga beegan magaalada Hargeysa. Aaskan loo sameeyey Ruug Cadaa, Nabadood Xaaji Cabdi Xuseen ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxweynaha […]
Somali News10 May 2019
Tehran, (HCTV) – Ilaalada Kacaanka dalka Iran ayaa gaashaanka ku dhuftay wada-xaajood ay la yeeshaan dawladda dalka Maraykanka, waxaanay meesha ka saareen suurtogalnimada weerar dhaca, maalin ka dib markii Madaxweynaha dalka Maraykanku Donald Trump uu sheegay inuu ku boorinayo wadahadal, isagoo sheegay in aanu doonayn isku dhac military. “Ma jiro doono wadahadal aanu la yeelano […]
Somali News10 May 2019
Tunisia, (HCTV) – Dad tiradooda lagu sheegay 65 qof ayaa dhintay kadib markii doon ay saarnaayeen oo ay ku tahriibayeen ay kula dagtay Badda Mediterranean-ka, markii ay ka ambabaxeen xeebta dalka Tunisia. Doontan ayaa siday dad qaxoonti iyo muhaajiriin ah oo doonayey inay doon kaga safraan xeebta dalka Tunisia, waxaana ku dhintay 65 qof, sida […]
Somali News10 May 2019
Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha wakiilada, guurtida, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan, oday, Xaaji Cabdikariin […]
Somali News10 May 2019
Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa abaalmarinno qaali ah guddoonsiiyey Ardaydii kaalmaha sare ka gashay tartanka Qur’aanka kariimka ah ee heer qaran oo sanadkiiba mar la qabto laguna soo gebogebeeyey caasimadda Hargeysa. Munaasibad ballaadhan oo Ardayda kaalmaha sare ka galay tartanka heer qaran ee Qur’aanka kariimka ah oo caawa lagu […]
10 May 2019
Hargeisa (HCTV) Magaalada Hargeisa waxaa maanta ku Geeriyooday Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf- (Cabdi Waraabe ) Taliyihii Hore waaxda Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf (maxamed Cambaro) oo ehelka Marxuum Xaaji Cabdi ka mid ah ayaa Horn Cable TV u xaqiijiyay Geerida Marxuumka ku timi. Bilihii ugu dambeeyay Xaaji cabdi waxaa dhawr jeer Xanuun loo dhigay Cisbitaalka […]
Somali News9 May 2019
Boosaaso (HCTV) – Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay 5 dhalinyaro Soomaali ah oo lagu helay danbi ah in iyagoo ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish ay hawl-gallo ka fuliyeen deegaamada Puntland. Maxkamadda ayaa sidoo kale xukuntay 11 Qof oo dhallinyaro ah, kuwaasi oo iyagana lagu eedeeyay inay dhammaantood ka mid […]
Somali News9 May 2019
Tennessee (HCTV) – Nin ku noolaa Gobolka Tennessee ee Dalka Maraykanka, ayaa ka soo baxay Xabsi uu ku jiray Muddo 31 Sannadood ah, xabsigaasi oo loogu xidhay Dambi aanu isagu gelin. Bishii October, 1977 ayaa Haweenay Gurigeeda ay kufsadeen laba Nin, muddo ka dib ayay haweenaydaasi sheegtay inay aqoonsatay mid ka mid ah Raggii faro-xumeeyay, […]
Somali News9 May 2019
Brussels, (HCTV) – Qaar ka mid ah dalalka Midawga Yurub ayaa sheegay in aanay aqbali doonin 60-ka maalmood ee dawladda Iran u qabatay heshiiskii dhinaca nuclear-ka inay gabi ahaanba ka baxayso kadib markii dawlada Tehran ay qayb ahaan ay joojisay heshiiskaasi 2015-kii ay wada gaadheen Iran iyo dhinacyadii reer galbeedka iyo Maraykanka. War-saxaafadeed ay goor […]
Somali News9 May 2019
Gabiley (HCTV) – Dawladda Somaliland ayaa ka hadashay Rasaas tiro badan oo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya sheegay in lagu qabtay Degmada Wajaale, gaar ahaan Daanta Itoobiya. Kornayl ka mid ah Ciidammada Amniga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa Telefiishanka Maamulka Soomaalida Itoobiya ka sheegay in Rasaas gaadhaysa 3000 Xabbo oo laga soo iibsaday Gudaha Somaliland lagu qabtay […]