
“Madaxweyne Markaad Timaado wixii kuu soo qabsoomay umada u sheeg..”Siyaasi Nuradiin Diini

Somaliland President Addresses the Council on Foreign Relations (CFR) in New York

𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐦𝐞𝐞𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐈𝐬𝐮-𝐬𝐨𝐨-𝐛𝐚𝐱 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚

Somalia President Calls for UN Reform, Stronger African Representation
Somali News8 May 2019
Islamabad,(HCTV) – Ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhintay tiro 24 qof ka badanina way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay afaafka Maqaam caan ah oo ay lihiin Suufiyadu oo ku taala magaalada bariga Pakistan ee Lahor. Qaraxan ayaa dhacay subaxnimadii hore ee maanta oo Arbaca ah waxaana qaraxa lagu bartilmaameedsanayey gaadhi ciidamada Bileysku ay leeyihiin […]
Somali News7 May 2019
Yemen (HCTV) – Dawladda Yemen ayaa Xidh-xidhay in ka badan 2000 Qof oo Muhaajiriin Afrikaan ah, kuwaasi oo u badan Itoobiyaan, sida ay sheegtay Hay’adda Muhaajiriinta u qaabilsan Qaramada Midoobay. Hay’adda IOM ayaa sheegtay inay aad uga wer-wersan tahay Xaaladda ay xilligan ku sugan yihiin Muhaajiriinta Afrikaanka ah ee Dawladda Yemen xidh-xidhay “Hay’adda IOM waxay […]
Somali News7 May 2019
Hargeysa (HCTV) – Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ka xumaaday hadallo deel-qaaf ah oo Siyaasiyiin Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ahi isku waydaarsadeen Warbaahinta. Siyaasiyiinta kala ah, Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) iyo Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid […]
Somali News7 May 2019
Hargeysa (HCTV) – Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Maxamed Cali Daarood ayaa sheegay in la dhameeyeen Beebabkii Cusbaa ee Biyaha Geed-deeble soo gaadhsiinayey Hargeysa, si biyo ballaadhinta loo sameeyo. Maareeye Daarood oo Maanta Waraysi gaar ah siiyey Telefiishanka HCTV ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Waxa dhamaaday Beebkii Geed-deeble illaa Hargeysa oo 23 KM ahaa.” […]
Somali News7 May 2019
Mexico, (HCTV) – Diyaarad yar oo ahayd Jet oo siday 13 qof ayaa ku burburtay buuraha dhulka miyiga ah ee waqooyiga dalka Mexico. Diyaarad Yare e Jet-ka ah ayaa 13-ka qof ee saarnaa 5 ka mid ahi ay isku qoys ahaayeen kuwaas oo ka soo noqday magaalada Las Vegas kadib markii ay halkaasi ku soo […]
Somali News7 May 2019
Hargeysa, (HCTV) – Tartanka kubadda cagta ee bisha barakaysan ee Ramadaan ee HCTV ayaa ka socda garoonka Xawaadle ee degmada 26-ka June, kaas oo ay ka qaybgalayaan kooxaha heerka labaad ee caasimada Hargeysa. Tartankan ayaa maraya wareegii labaad iyadoo maalintii shalayna ay is-wajaheen kooxaha Saab Group iyo Nuuradiin, iyadoo ciyaartaasi ay ahayd mid aad u […]
Somali News7 May 2019
Hargeysa (HCTV) – Madaxweymaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibedda Dalka Masar, kaasi oo Shalay booqasho ku yimid Somaliland. War-saxaafadeed Madaxtooyadu ka soo saartay kulanka Madaxweynaha iyo Weftiga ka socda Masar ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi […]
Somali News7 May 2019
Qadar (HCTV) – Dawladda Qadar ayaa ku dhawaaqaday inay Taageero dhaqaale siinayso Dadka reer Falastiin ee ku dhaqan Daanta Galbeed ee dhulkooda Isreal Xoogga ku haysato. War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Qadar Salaasada Maanta, ayaa lagu sheegay in 300 Million oo dollar oo Lacagtaa ka mid ah si gaar […]
Somali News7 May 2019
Seattle, (HCTV) – Dawladda Maraykanka ayaa muwaadinimadii ka qaaday Wadaad hore imaam uga ahaa masaajidka ugu balaadhan Portland ee dalka Maraykanka, kaas oo kadibna socdaal ku yimid Somaliland todobaadkii u dambeeyey. Mohamed Sheikh Abdirahman Kariye ayay dawlada Maraykanku ay ku dartay dadka aan socdaali karkin, balse dawladu markii dambe ayay u ogolaatay inuu u socdaalo […]
Somali News7 May 2019
Turkey (HCTV) – Guddiga sare ee Doorashooyinka Dalka Turkiga ayaa Isniintii ku dhawaaqay in Mar labaad Tartan loo geli doono Doorashada Maayarka Magaalada Istanbul ee dalkaasi. Istanbul ayaa ah Caasimadda ugu weyn Dalka Turkiga, waana Xarunta Dhaqaalaha ee Dalkaasi. Codaynta doorashada Maayarka Istanbul ayaa loo qoondeeyay in loo dareero oo la qabto 23-ka bisha June, […]
Somali News7 May 2019
Lafa-ruug, (HCTV) – Shil gaadhi ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanka Lafa-ruug iyo Xamaas oo ka tirsan Gobolka Saaxil. Shilkan gaadhi ayaa la soo sheegayaa inay ku dhinteen dad tiradoodu ka badan tahay 7 qof halka ay ku dhaawacmeen 6 qof oo kale. Shilkan baabuur ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen laba […]
Somali News7 May 2019
Muqdisho, (HCTV) – Milatariga Maraykanka ayaa ka hadlay duqayn dhinaca cirka ah oo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta Somalia. Warka ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka oo gacan ka helaya ciidamo ka tirsan Somalia ay 5-tii bishan duqayn cirka ah ka geysteen degaanka Tooratoorow […]