
“Madaxweyne Markaad Timaado wixii kuu soo qabsoomay umada u sheeg..”Siyaasi Nuradiin Diini

Somaliland President Addresses the Council on Foreign Relations (CFR) in New York

𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐦𝐞𝐞𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐈𝐬𝐮-𝐬𝐨𝐨-𝐛𝐚𝐱 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚

Somalia President Calls for UN Reform, Stronger African Representation
Somali News3 Feb 2021
Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay safiir-ku-xigeenka Norway u fadhiya magaalada Nairobi Amb. Stian Christensen oo uu wehelinayo ergeyga gaarka ah ee Norway u qaabilsan dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Theidi Johansen. Kulankan, ayaa intii uu socday lagaga wada hadlay arrimo dhawr ah […]
Somali News3 Feb 2021
Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 12/022021 uu maanta ku meel mariyey Cayimaadda maalinta Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka. Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:- Xeer Madaxweyne Lr. 12/022021 Cayimaadda Muddada Doorashooyinka Markaan Arkay: Qodobka 42aad, Faqraddiisa 2aad ee Dastuurka […]
Somali News2 Feb 2021
Hargeysa, (HCTV) – Fadhi aan caadi ahayn oo uu maanta yeeshay golaha Guurtida Somaliland, ayaa waxa lagu cayimay muddo-xileedka Golaha Wakiillada, iyadoo la waafajiyey jadwalka ay Guddida Doorashadu u dejisay qabsoomida Doorashada ee 31-ka May ee sanadkan 2021. Guurtida oo hore muddo-xileedka Golaha Wakiillada uga dhigay dabayaaqada sanadkan, ayaa kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay […]
Somali News2 Feb 2021
Dhuusa-mareeb, (HCTV) – Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedada Puntland Siciid Cabdilaahi Deni Iyo Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa u socdaalay magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta dowlad gobolleedka Galmudug oo uu shir uga furmayo. Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweynaha martida loo yahay ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo xubnihiisa gollaha Wasiirradda. Dhinaca kale […]
Breaking News2 Feb 2021
Hargeysa, (HCTV) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qaybgalay sannad-guuradii 27aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka militeriga Somaliland oo lagu qabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Ugu horrayn waxa uu madaxweynuhu kormeer kooban oo shaqo kusoo maray xerada ciidanka militeriga ee Bir-jeex oo uu kuyaalla cusbitaal qalabaysan oo ciidanku leeyahay, isaga oo […]
Breaking News31 Jan 2021
Muqdisho, (HCTV) – Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Jeneraal Maxamed Nuur Galaal lagu dilay weerarka ka dhacay Hotelka Afriik ee magaalada Muqdisho. Allaha u naxariistee Generalka ayaa ka mid ahaa dadkii galabta ku jiray Hotelka markii ay gudaha u galeen koox aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo weli ka […]
Breaking News31 Jan 2021
Muqdisho, (HCTV) – Hotelka Afrik oo ku yaala caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa lagu qaaday weerar qarax iyo rasaas isugu jira oo ay ku qaaday kooxda Al-shabaab, sida ay sheegeen ciiidamada booliska Somalia. Gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa galabnimadii maanta ku dhacay albaabka laga galo Hoteelka Afrik, oo ku dhow isgoyska istiraatiijiga ah […]
Breaking News31 Jan 2021
Nairobi, (HCTV) – Beesha caalamka ayaa soo dhaweeysay go’aanka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi ee ku aadan qabashada shir wadatashi ah oo uu la yeelandoono madaxda Dowlad Goboleedyada, shirkaas oo lagu qaban doono Dhusamareeb. Beesha caalamka ayaa ku baaqday in ka-qeybgalayaasha inay si firfircoon oo daacadnimo ku dheehantahay uga qaybqaataan madashaas, si xal loo helo iyadoo […]
Breaking News30 Jan 2021
Hargeysa, (HCTV) – Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa Madaarka Hargeysa kusoo dhoweyey Wafti sare oo ka socda dalka Dalka Ruushka, kuwasoo daynaynaa in ay maalgashi ku sameeyaan Somaliland. Ujeedada waftiga ayaa waxa si kooban uga Warbixiyay Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, waxaanu yidhi “Maanta waxanu Madaarka […]
Breaking News30 Jan 2021
Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay isagoo tixgalinaya xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka iyo baahida loo qabo in la guda galo qabsoomidda doorashada, wuxuu shir iskugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedyadda iyo Gobolka Banaadir. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay shirkaan in lagu qabandoono magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug uuna socon doonaa inta […]
Somali News30 Jan 2021
Hargeysa, (HCTV) – Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xadhiga ka jaray dhisme laba-dabaq ah iyo qalab tiro baddan oo ay yeelatay Mad-bacadda qaranka Somaliland. Ugu horrayna waxa sharaxaad ka bixiyey dhismahaa iyo agabkaasi Maareeyaha Mad-bacadda Qaranka oo sheegay in qalabkani awood dheeraada ku soo kordhiyey shaqadii madbacadu hore u haysay, […]
Somali News27 Jan 2021
Muqdisho, (HCTV) – Dowladda Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhufatay warbixin ay soo saareen guddida xaqiiqo raadinta ee loo saaray khilaafkii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Kenya. Dawlada Sommalia waxay sheegtay in warbixnta guddidaasi ay xaqiiqada ka fog tahay, isla markaana aanay filayn warbixinta noocaas ah ee ka soo baxday urur goboleedka IGAD. Guddigii loo xilsaaray xaqiiqo […]