
“Madaxweyne Markaad Timaado wixii kuu soo qabsoomay umada u sheeg..”Siyaasi Nuradiin Diini

Somaliland President Addresses the Council on Foreign Relations (CFR) in New York

𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐦𝐞𝐞𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐈𝐬𝐮-𝐬𝐨𝐨-𝐛𝐚𝐱 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚

Somalia President Calls for UN Reform, Stronger African Representation
Somali News17 Apr 2019
Hargeysa (HCTV) – Xildhibaan ka mid ah Golaha Guurtida Somaliland ayaa Golaha Wakiillada ku eedeeyay in Xeer uu Dastuurku u fasaxay in Guurtidu Go’aan ka gaadho uu Golaha Wakiilladu u gudbiyey Madaxweynaha. Xildhibaan Dayib Xasan Maxamed oo ka mid ah Golaha Guurtida oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Guurtida ee Hargeysa, ayaa ugu horreyn sharaxaad […]
Breaking News17 Apr 2019
Jigjiga, (HCTV) – Maamulka Dawladd Deegaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia ayaa ku dhawaaqay qorshe ay xabsi dhawaan albaabada loo laabay loogu badalayo Madxaf wax lagu kaydiyo. Jeelkan oo la yidhaa (Ogaden Jail) ayaa ku yaala caasimada dawladd deegaanka Soomaalida Ethiopia, kaas oo mudo ka badan 10 sanadood loo isticmaalayey gaboodfalo xun xun iyo in lagu […]
Breaking News17 Apr 2019
Nairobi, (HCTV) – Duulimaadka diyaarada Kenya Airways ayaa la joojiyey kadib markii mid ka mid ah rakaabkii diyaarada saarnaa uu sheegay in diyaarada banbo ku jirto. Duulimaadkan diyaarada Kenya Airways ee (flight KQ 762) ayay kaga duuli lahayd garoonka Jomo Kenyatta International Airport ee magaalada Nairobi ayaa ku jihaysnaa magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika. […]
Somali News17 Apr 2019
Dacar-budhuq (HCTV) – Degmada Dacar-budhuq ee Gobolka Maroodi-jeex, ayaa waxa ku nool 147 Qof oo dhamaantood oo Qaba Xanuun Dhimirka. Sidaana waxa sheegay Guddoomiyaha Degmada Dacar-budhuq, Mustafe Jebiye oo Shalay Tuulada Laasgeel ee Dalxiiska loo tago War-bixin ku siiyey Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi oo halkaa booqday. Mr. Jebiye wuxuu sheegay in Degmada Dacar-budhuq […]
Breaking News17 Apr 2019
Muqdisho, (HCTV) – Laba Qarax oo loo adeegsaday Baabuur laga soo buuxiyey walxaha qaraxa ayaa ka dhacay maanta oo Arbaca ah magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia, waxaana ku dhintay afar qof halka 13 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ciidamada bileyska ee Muqdisho. Qaraxa ka dhacay Isgoyska Dabka ayaa loo adeegsaday gaadhi […]
Somali News17 Apr 2019
Addis Ababa, (HCTV) – Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa lagu daray Liiska 100 qof ee saamaynta leh sanadkan 2019-ka ee Aduunka, oo ay daabacdo Majalada, the TIME magazine. Dr Abiy Axmed ayaa tan iyo intii uu Raysal Wasaaraha Ethiopia uu noqday waxa uu isbadalo balaadhan ka sameeyey Bariga Afrika iyo dalkiisa. Sidoo kale […]
Somali News17 Apr 2019
Khartoum (HCTV) – Hoggaanka Milletariga Dalka Suudaan ayaa Xabsiga u dhaadhiciyey Cumar Xasan Al-bashiir oo Toddobaadkii hore uu Ciidanku Xilka ka tuuray. Sidaana waxa Arbacada Maanta sheegtay Wakaaladda Wararka ee AFP oo soo xiganaysa Qoyska Cumar Xasan Al-bashiir. AFP oo Telefiishanka HCTV uu Warkan ka soo xigtay ayaa sidoo kale sheegtay in Al-bashiir Xabsiga loo […]
Somali News17 Apr 2019
New York (HCTV) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa Wakiilkiisii hore ee Dalka Soomaaliya Nicholas Haysom u Magacaabay La-taliyihiisa gaarka ah ee Dalka Suudaan. Afhayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric ayaa Salaasadii Warbaahinta u sheegay in Nicholas Haysom loo Magacaabay La Taliye, isla-markaana uu Midowga Afrika kala shaqayn doonaa ama ka Taageeri doono […]
Somali News17 Apr 2019
Kampala (HCTV) – Dawladda Uganda ayaa sheegtay inay Magangalo siyaasadeed siin karto Madaxweynihii Suudaan, Cumar Xasan Al-bashiir oo Toddobaadkii hore uu Xilka ka tuuray Milletariga Dalkaasi. Wasiirka Arrimaha dibedda Uganda, Okello Oryem ayaa sheegay in Uganda ay Tixgelin karto haddii Al-bashiir uu ka dalbado Magangalo “Haddii Cumar Xasan Al-bashiir uu Uganda ka dalbado Magangalo, Waxa […]
Breaking News17 Apr 2019
Washington, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa codka diidmada qayaxan ee Veto-ga ku diiday dalab aqalka Congress-ku uu dalka Maraykanka kaga joojinayey ka qaybqaadashada Maraykanka ee dagaalka Yemen iyo taageerada Milatariga Maraykanku ay siiyaan xulafada Sucuudiga ee dagaalka ka wada Yemen. Go’aankan Madaxweynaha dalka Maraykanka uu ku diiday codayntii Congress-ka Maraykanku ay markii […]
Breaking News17 Apr 2019
Laasgeel, (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa socdaal ku tagay buuraha Aasaasta qadiimiga ah ee Laasgeel halkaas oo cilmibaadhayaashu ay sheegeen in bani’aadam ku noolaa mudo qarniyo ah ka hor. Madaxweynaha Somaliland ayaa intii uu Booqashada ku marayey buurahaasi aasaarta qadiimiga ah waxa loo sharaxay guryihii ay dadkaasi gali jireen oo buuro la […]
Somali News16 Apr 2019
Paris (HCTV) – Kooxaha Midigta Fog ee Muslim Nacaybka caddaysta ayaa Gubashadii Kiniisadda Notre Dame Cathedral uga faa’idaysanaya inay dunida ku faafiyaan fikradahooda Muslim Nacaybka ah. Kooxahan ayaa Baraha Bulshadu ku xidhiidho ku faafinaya Hadallo Nacayb iyo Xagjirnimo ah, kuwaasi oo ah in Muslimiintu ku farxeen Gubashada Kiniisaddan Caanka ah. Notre Dame Cathedral ayaa Isniintii Shalay […]