
“Madaxweyne Markaad Timaado wixii kuu soo qabsoomay umada u sheeg..”Siyaasi Nuradiin Diini

Somaliland President Addresses the Council on Foreign Relations (CFR) in New York

𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐦𝐞𝐞𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐈𝐬𝐮-𝐬𝐨𝐨-𝐛𝐚𝐱 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚

Somalia President Calls for UN Reform, Stronger African Representation
Somali News18 Sept 2020
Taipei, (HCTV) – Dalka Shiinaha ayaa dhoolatus milatari ka bilaabay meel u dhow Badweynta Taiwan jimcihii maanta, xili sarkaal sare oo Maraykan ahi ay shirar heer sare ah ay kula qaateen magaalada Taipei masuuliyiin ka tirsan Taiwan. Dawlada Shiinuhu waxay si xoogle u cambaaraysay xidhiidhka adag ee u dhexeeya Taiwan iyo Maraykanka, waxaanay ku andacoonaysaa […]
Somali News18 Sept 2020
Muqdisho, (HCTV) – Mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin uu kamid yahay Ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo dhoweeyay magacaabistii xalay ee wasiirka koowaad ee dowladda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxayna dhammaan Alle uga baryeen inuu xilka u fududeeyo. Ra’iisul wasaraaihii hore ee Soomaaliya Xaasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, […]
Somali News17 Sept 2020
Hargeysa, (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire ayaa maanta Tababar Mihiim Ah U Furay 80 Qasneji Oo Ka Tirsan Waaxda Cashuuraha Berriga, Kuwaas oo 60 ka mid ahi Dumar yihiin, isla markaana ka kala yimid Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland. Tababarkan oo ah kii u horeeyey ee noociisa ah ee loo […]
Somali News17 Sept 2020
Hargeysa, (HCTV) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb galay Xaflada qalin jebinta Dufcadii 8aad ee ka baxda Jaamacada Abaarso, ardaydaas oo tiradoodu ku dhawayd 200, kuwaasi oo dhammaantood dhamaystay Kulliyadaha kala duwan Jaamacada. Madaxweyne ku xigeenka oo halkaas ka hadlay ayaa ugu horayn Hambalyo iyo Duco […]
Somali News17 Sept 2020
Hargeysa, (HCTV) – Fadhigii 64aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta la horkeenay qorshaha dhisida guryaha Shaqaalaha, laguna ansixiyey siyaasad cusub. Ugu horrayn wasiirka […]
Somali News15 Sept 2020
Doha, (HCTV) – Dalka Qatar ayaa sheegay inaanay ka mid noqon doonin dalalka Gacanka Carabta ee xidhiidhka diblomaasiyadeed la yeelanaya Israel inta la xalinayo dagaalka ka dhanka ah Falastiiniyiinta, sidaasi waxa tidhi kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibada Lolwah bint Rashid Al Khater. Waxaanay intaasi ku dartay Haweenaydaasi Kaaliyaha ahi in dhawaan horumar laga samayn doono xayiraada […]
Somali News15 Sept 2020
Hargeysa, (HCTV) – Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta ansixiyey xeerka la’dagaalanka Maandooriyaha, kaas oo ay hore usoo ansixiyeen Golaha Wakiiladu. Ka hor intii aan la ansixin waxa golaha ka soo jeediyey wax ka badalka iyo kaabista lagu sameeyey Xeerkan la dagaalanka Maandooriyaha, Xoghayaha Golaha Guurtida Somaliland Cabdinaasir Beegsi. “Farqada afraad oo u dhignayd marka […]
Somali News15 Sept 2020
Berlin, (HCTV) – Hoggaamiyihii Mucaaridka Ruushka Alexei Navalny ayaa soo gudbiyey sawirkiisa isaga oo ku sugan cusbitaal ku yaala dalka Jarmalka, waxaanu sheegay inuu neefsanayo. Sawirkan oo la soo dhigay barta Instagram: ayaa lagu soo qoray “Iska Warama, Kani waa Navalny. Waan idin waayey, ilaa hada ma samayn karayo wax badan, balse shalay waxaan bilaabay […]
Somali News15 Sept 2020
Laascaanood, (HCTV) – Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay in laga helay cudurka COVID19, maanta oo Salaasa ah. Wasiir Koore oo ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegay in markii lagu baadhay xarun shaybaadh oo ku taala Laascaanod laga COVID19. “Markii aniga iyo wasiiro kale aanu baadhitaan iskaga qaadnay xarun […]
Somali News14 Sept 2020
Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qeyb galay Aas qaran oo loo sameeyey Alle how naxariistee Suldaan guud Marxuum Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin oo lagu aasay Xabaalaha Baqiic ee Magaalada Hargeysa, Aaskan loo Sameeyey Alle haw naxariistee Marxuum Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin waxaa kasoo qeyb-galay bulshada […]
Somali News13 Sept 2020
Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qeyb-galay Xafladda qalin-jebinta Jaamacada Hargeysa oo Dufcaddii 17aad ay maanta ka baxeen 1,290 Arday oo dhammaatoodba dhamaystay Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadu bixiso. Munaasibadan oo ay kasoo qeyb-galeen Masuuliyiinta axsaabta qaranka Somaliland, Diblumaasiyiin, xubno kamida Baarlamaanka Somaliland, maamulka Jaamacada Hargeisa iyo Waalidiin tiro […]
Somali News13 Sept 2020
Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo maanta si rasmi ah uga furmay Xarunta Madaxtooyada Qaranka. Kusimaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo furitaanka shirka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay dadaalka madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo […]