
“Madaxweyne Markaad Timaado wixii kuu soo qabsoomay umada u sheeg..”Siyaasi Nuradiin Diini

Somaliland President Addresses the Council on Foreign Relations (CFR) in New York

𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐦𝐞𝐞𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐈𝐬𝐮-𝐬𝐨𝐨-𝐛𝐚𝐱 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚

Somalia President Calls for UN Reform, Stronger African Representation
Somali News16 May 2020
Nairobi, (HCTV) – Dowlada Kenya ayaa lagu soo waramayaa inay la gaartay maxkamada caalamiga ah ee cadaalada (ICJ) inay codsato kordhinta dhageysiga dacwada muranka xadka badda oo sanado socdey. Dawladda Kenya waxay la gaartay ICJ inay raadsato waqti dheeri ah iyada oo ay ugu wacan tahay masiibada ‘Covid-19’ inaanay suurto galin Karin in dacwada la […]
Somali News14 May 2020
Muqdisho, (HCTV) – Dawladda Somalia ayaa sheegtay inay diyaarado helicopters ah oo buufiya Ayax dilaacay (koronkor) kaas oo khatar ku ah dalaga, dalkan Somalia ee aadka ugu baahan raashin. Wasiirka Beeraha Somalia, Sa’id Hussein Iid oo waraysi siiyey Idaacada VOA-da ayaa sheegay inay usoo kiraysteen khubaro Canadian ah oo Ayaxaasi ka hawlali doona buufintiisa oo […]
Somali News14 May 2020
Burundi, (HCTV) – Dawladda Burundi ayaa dalkeeda ka Eriday Saraakiil sare oo ka Tirsan WHO, kuwaas oo kala shaqaynayay xakamaynta Covid-19. Saraakiisha WHO, ayaa dawladdu ku tilmaantay kuwo aan dalkaasi laga rabin (Persona Non Grata), loona baahan yahay inay jimcaha ka baxaan dalkaasi. Wasiirka arrimaha dibadda ee Burundi ayaa warqad uu arrintaasi ku ogaysiinayo u […]
Somali News14 May 2020
Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynaha dowladda Federalka ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyahii Maxkamadda gobolka Banaadir iyo guddoomiyahii maxkamadda racfaanka gobolkaasi, isagoo xilalkaasi u magacaabay laba garyaqaan oo kale. Talaabadan Madaxweynaha Somalia uu xilalka kaga qaaday gudoomiyeyaashaasi ayaa ka timid soo jeedintaas ay uu usoo gudbiyey guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somalia, Baashe […]
14 May 2020
Hargeysa, (HCTV) – Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa maanta ka warbixisay xaaladdo cusub oo cudurka Coronavirus ah oo ku soo kordhay Somaliland, kuwaas oo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay tiro afartan qof ah oo laga baadhay xanuunka COVID19 laga helay 14 qof. Sidoo kale Wasaarada Caafimaadka Jamhuuriyada Somaliland waxa ay sheegtay in Hal qof oo […]
Somali News14 May 2020
Garoowe, (HCTV) – Tirada wasiiradda Puntland ee laga helay cudurka Corpnavirus ayaa gaadhay 4 xubnood oo dhammaantood kamid ah guddigii loo xilsaaray gurmadka dadkii ku waxyeeloobay daadadkii kusoo rogmaday magaalada Qardho. Labo kamid ah wasiiraddaan ayaa si rasmi ah u shaaciyay in cudurka laga helay halka labo kalena aysan weli xogtooda usoo gudbin bulshada. Waxaa […]
Somali News14 May 2020
Muqdisho, (HCTV) – Ururka Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqday guddi la socda xaaladda cudurka Covid19, kadib markii ay kulan iskugu yimaadeen Maktabka Siyaasada iyo Wilaayaatka kooxda. Bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen guddi kormeer ah oo 7 xubnood ah oo ay ku jiraan culumaa’udiin, dhakhaatiir iyo waxgarad, oo loo xilsaaray inay la socdaan xaaladda caafimaad […]
Somali News13 May 2020
Muqdisho, (HCTV) – Afhayeenka al-Shabaab Cali Dheere oo waraysi khadka taleefanka ah ku siiyey wargeyska Talyaaniga laga leeyahay oo la yidhaa, La Repubblica ayaa sheegay in kooxdu madax furasho ka qaadatay sii daynta haweenay samafal ahayd oo u dhalatay dalka Talyaaniga. Cali Dheere ayaa sheegay madax furashadaas inay u adeegsan doonaan si ay ugu maalgaliyaan […]
Somali News13 May 2020
Mogadishu, (HCTV) – Laba xubnood oo sarsare oo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa ka mid ah tiro xubno muhiim ah oo lagu bartilmaameedsaday weerar dhinac cirka ah oo dawladda Maraykanku ay qaaday oo ka dhacay Jamame Iyo Haway oo ka tirsan gobolada Koonfurka ee Jubadda Hoose iyo Sheebeelaha Hoose. Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedo dhinaca […]
Somali News13 May 2020
Ankara, (HCTV) – Dawladda Turkiga ayaa ku eedeeyay Imaaraadka Carabta inay fowdo u horseedeen Bariga Dhexe iyaga oo faragalin ku haya Liibiya iyo Yemen, waxaana la filayaa in eedaymahani sii huriyaan xiisada u dhaxeysa xulafada gobolka. Wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu oo ka jawaabayey dhaleecayn looga soo jeediyey doorka Turkiga ee khilaafka Libya, […]
Somali News12 May 2020
Hargeysa, (HCTV) – Ganacsadaha reer Jabuuti Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cabdiraxmaan Boore) ayaa guddida ka hortaga Cudurka Coronavirus ee Somaliland ku wareejiyey lacag qadarkeedu dhan yahay $170,000. Deeqdan lacagtaha ah ee Ganacsadaha reer Jabuuti uu ugu talo galay in Somaliland wax kaga qabato cudurka sida xawliga ah u faafaya ee Coronavirus ayaa usoo wakiishay shirkadda Red […]
Somali News12 May 2020
Rome, HCTV) – Silvia Constanza Romano, oo u dhalatay dalka Talyaaniga, dhawaana laga soo badbaadiyey Afduub muddo 18 bilood ah ay ugu haysteen Somalia koox xidhiidh la leh ururka Al-shabaab ayaa qaadatay Diinta Islaamka. Romano, oo da’deedu tahay 25, ayaa laga afduubay magaalada xeebta ku taal koonfur-bari ee Chakama bishii Novembar 2018, waxaana afduubkaasi laga […]