
“Madaxweyne Markaad Timaado wixii kuu soo qabsoomay umada u sheeg..”Siyaasi Nuradiin Diini

Somaliland President Addresses the Council on Foreign Relations (CFR) in New York

𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐦𝐞𝐞𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐈𝐬𝐮-𝐬𝐨𝐨-𝐛𝐚𝐱 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚

Somalia President Calls for UN Reform, Stronger African Representation
Somali News9 Apr 2020
Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay hareero joogaan shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo guddoomiyeyaasha axsaabta mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa maanta si wada-jir ah shacabka ula hadlay, waxana […]
Somali News8 Apr 2020
Boosaaso (HCTV) – Inta la ogyahay 10 Qof baa ku dhaawacmay Qarax xalay ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Puntland. Qaraxa ayaa ka dhacay Istaanka laga raaco Basaska Magaalada Boosaaso u kala goosha, waxaana ka dhashay Khasaare ah 10 Qof oo dhaawacmay. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay Miino jidka la […]
Somali News8 Apr 2020
Hargeysa (HCTV) – Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ayaa sheegay in aanay Somaliland xilligan u baahnayn inay Wada-hadal la yeelato Soomaaliya. Dirawal oo Shir-jaraa’id ku qabtay Gurigiisa Hargeysa, ayaa sheegay inuu la yaaban yahay in Xilligan Somaliland ay Wada-hadallo la gasho Soomaaliya, maaddaama buu yidhi Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya oo […]
Somali News8 Apr 2020
Hargeysa (HCTV) – Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa Somaliland soo gaadhsiisay Qalab Caafimaad oo loogu talo-galay in lagaga hor-tago Xanuunka Covid_19. Guddiga Somaliland u qaabilsan ka hor-tagga Xanuunka ayaa Madaarka Cigaal ee Hargeysa ku qaabilay Qalabkan oo diyaaradi ka soo qaadday Dalka Imaaraadka. Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdillaahi oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka diyaaradaha Hargeysa […]
Somali News8 Apr 2020
Hargeysa (HCTV) – Hay’adaha Caafimaadka ee dawlad deegaanka Soomaalida ayaa xuduudka Wajaale ee dhinaca Itoobiya shalay ka qaaday haweenay u dhalatay qoomiyada Oromada oo lagu arkay astaamaha xanuunka Covid_19. Sahra Maxamed oo da’deeda lagu sheegay 45 jir ayaa ka timid magaalada Burco, waxaana la sheegay in markii ay u talowday xuduudka dalkeeda Itoobiya lagu arkay […]
Somali News8 Apr 2020
Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa dhambaal Tacsi ah u diray Bahda Fanka, Shacabka Somaliland, ehelkii iyo Qaraabadii uu ka baxay Boqorkii Cuudka Marxuum Axmed Ismaaciil Xuseen “Xudeydi” oo Xanuunka Corona ugu Geeriyooday UK. Dhambaalka Tacsida ah ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya […]
Somali News8 Apr 2020
Hargeysa, (HCTV) – Alla ha U Naxariistee Waxa Xalay ku geeriyooday magaalada London ee cariga Ingiriiska, Marxuum Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudeydi). Xudaydi ayaa ahaa Miisigayste aad loogu yaqaanay tumida Kamanka, waxaana wararka ka minaya dalka Ingiriisku ay sheegayaan in Xudaydi u geeriyooday Cudurka Adduunka Faraha Baas ku haya ee Corona Firus. Waxaanay Axmed Ismaaciil Xuseen […]
Somali News8 Apr 2020
Washington, (HCTV) – Xoghayaha Ciidamada Badda ee dalka Maraykanka Thomas Modly ayaa ku dhawaaqay inuu is casilay kadib markii uu buuq ka dhashay Markabka USS theodore Roosevelt oo uu ku faafay xanuunka Coronavirus. Markabkan oo qaada diyaaradaha Nuclear-ka qaada ayaa markii uu qayladhaan usoo dirtay kabtankii markabkaasi wuxuu Thomas Modly wuxuu shaqada ka eryay kabtanka […]
Somali News7 Apr 2020
Muqdisho, (HCTV) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, ayaa shaacisay inuu soo kordhay xaaladii 8aad oo xanuunka COVID-19. Qofka laga helay cudurka, waa nin Soomaaliyeed oo 58 sano jir ah, wuxuuna deegaan ku yahay Muqdisho oo safar kama uusan imaan. Wasaaraddu waxay sheegtay tirada guud ee cudurku inay hadda marayso 8 qof. Waxaa kasoo kabtay hal qof, […]
Somali News7 Apr 2020
Hargeysa (HCTV) – Guddida u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga Cudurka Covid_19 ee Somaliland oo Maanta shir jaraa’id qabatay, ayaa bulshada la wadaagtay warbixin cusub oo la xidhiidha xaaladda caafimaad ee bulshada reer Somaliland iyo waxyaahaha ilaa iyo waqtigan u qabsoomay guddi ahaan, waxaana ugu muhiimsanaa waxyaabiyihii ay ka hadleen qodobbadan soo socda: Waxa dhawaan dalka […]
Somali News7 Apr 2020
Muqdisho (HCTV) – Ciidammada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka oo iskaashanaya ayaa Fiidnimadii Isniinta waxay dileen 8 Dagaalyahan oo ka mid ahaa Al-shabaab, sida ay Masuuliyiin xaqiijiyeen. Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaasi oo ay wada qaadeen Ciidammada Soomaaliya iyo kuwo Maraykanka aanay dhimasho iyo dhaawac midna ka soo gaadhin Dadka Shacabka ah. War […]
Somali News7 Apr 2020
Muqdisho (HCTV) – Urur Gobolleedka IGAD ayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya ku wareejiyey Lacag Ururku ugu talo-galay in lagula dagaalamo Xanuunka Dunida Faraha baas ku haya ee COVID_19. Lacagta oo qayb ka ah Lacag laga soo ururiyey Shaqaalaha Urur-gobolleedka IGAD ayaa waxa Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Dawladda Federaalka wareejiyey Sarkaal ka mid ah Hawl-wadeennada IGAD ee […]