
“Madaxweyne Markaad Timaado wixii kuu soo qabsoomay umada u sheeg..”Siyaasi Nuradiin Diini

Somaliland President Addresses the Council on Foreign Relations (CFR) in New York

𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐦𝐞𝐞𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐈𝐬𝐮-𝐬𝐨𝐨-𝐛𝐚𝐱 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚

Somalia President Calls for UN Reform, Stronger African Representation
Somali News10 Sept 2019
Muqdisho, (HCTVL) – Dawladda Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in Al-Shabaab ay joojiyeen dhismaah iyo Dayactirka garoonka Ciyaaraha Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho ee degmada Warta-Nabada Gobolkan Banaadir. Garoonka Stadium Muqdisho waxa booqday Raysal Wasaare ku xigeenka Somalia Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehlinayeen Wasiirka Dhalinyarada iyo cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, wasiirka Warfaafinta Maareeye […]
Somali News9 Sept 2019
Hargeysa, (HCTV) – Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Guuleed Dafac) ayaa ka hadlay caqabadaha uu Madaxbanaanida warbaahinta Somaliland ku keeni karo Amar ama go’aan ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo Telefishanada dalka ku amartay inay Wararka Somaliland soo horaysiiso kuwa Somalia-na ay ku daraan wararka dibada. Garyaqaan Dafac ayaa tilmaamay in sida loo kala horaysiinayo […]
Somali News9 Sept 2019
Hargeysa, (HCTV) – Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ka hadlay kulan ay yeesheen Telefishanada Somaliland iyo Wasaarada Warfaafinta Somaliland, kaas oo go’aan ay ka soo saartay Wasaaradu ay ku amartay telefishanada dalku inay wararka Somaliland ay horaysiiyaan kuwa Somalia-na marka ay sheegayaan ay ku daraan wararka dibada. Gudoomiyaha Ururka Saxaafada Somaliland, Maxamuud Cabdi […]
Somali News9 Sept 2019
Laascaanood, (HCTV) – Wasaarada Hawlaha guud ee Somaliland ayaa maanta magaalada Laascaanood ka bilawday bilic soo celinta faras-magaalaha Laascaanood, taas oo lagu banaynayo dhismayaasha sandaqadaha ka samaysan eek u teedsan wadada. Waxaana hawlgalkaasi lagu arkayey gaadiidka cagafyada ee Wasaarada Hawlaha guud oo ku hawlan sidii ay u banyan lahayd goobaha ay ku yaalaan dhismayaasha jiingadaha […]
Somali News9 Sept 2019
Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa soo dhaweeyay Go’aan ay shalay labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID soo saareen, kaasi oo ah inay soo Magacaabanayaan xubnihii uga qayb-galayey komiishanka cusub ee doorashooyinka, kuwaasi oo tiradoodu noqonayso 7 Xubnood. WADDANI iyo UCID oo hore u doonayey in Tirada Xubnaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka […]
Somali News9 Sept 2019
Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti uu hoggaaminayo Safiirka UK ee Soomaaliya Amb. Ben Fender, kuwaasi oo booqasho shaqo ku yimid Hargeysa. War-saxaafadeed Madaxtooyada ka soo baxay, ka dib Kulanka Madaxweynaha iyo Weftiga Safiirku hoggaaminayo oo soo gaadhay HCTV ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, […]
Somali News9 Sept 2019
Hargeysa (HCTV) – Xarunta Xuquuqal iinsaanka ee Somaliland ee magaceeda loo soo gaabiyo HRC ayaa Cambaaraysay Xayiraad la saaray Telefiishanka Horyaal, Xadhigga Mulkiilihii Tv-gaasi iyo weliba Xayiraad la saaray Shabakadda Wararka ee Hadhwanaag News. War-saxaafadeed ay Maanta Xarunta HRC soo saartay oo soo gaadhay Telefiishanka HCTV ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Xarunta Xuquuqal Insaanku […]
Somali News9 Sept 2019
Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa soo saartay Amar ku socda Telefiishannada Madaxa-bannaan ee ay leeyihiin Muwaadiniinta Somaliland isla-markaana Xarumahoodu ku yaallaan Magaalada Hargeysa. Amaawiirtan cusub oo Maanta laga soo saaray kulan uu Wasiirka Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye uu ugu yeedhay Madaxda Telefiishannada Madaxa-bannaan oo ka dhacay Xafiiska, ayaa dhigaya in Telefiishannadu ay xilliga […]
Somali News9 Sept 2019
Hargeysa (HCTV) – Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE, Axmed Cabdi Dheer ayaa faahfaahiyey Dariiqa Sharci ee loo marayo in Madaxweynaha Somaliland oo ah Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE uu Xilka Guddoomiye-nimo ee Xisbiga ugu wareejinayo Guddoomiyaha loo dooran doono. Axmed Cabdi Dheer oo Maanta Saxaafadda kula hadlayey Xarunta Xisbiga KULMIYE ee Magaalada Hargeysa ayaa isagoo ka […]
Somali News8 Sept 2019
Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka jawaabay su’aal laga waydiiyey sababta ay uga gaabiyeen Colaadda soo noqnoqotay Beelaha Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag. Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo Telefiishanka SAHAN oo uu waraysi siiyey waydiiyey sababta Golaha Guurtidu uu ergooyin nabadeed ugu diri waayay Ceel Af-weyn oo dhibaatada amni-darro […]
Somali News8 Sept 2019
Riyaad (HCTV) – Boqorka Dalka Sucuudiga ayaa Wasiir cusub u Magacaabay Wasaaradda Macdanta ee dalkaasi, ka dib markii uu Xilkii ka qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi. Boqor Salmaan ayaa Wasiirka Wasaaradda Macdanta ee Sucuudiga u Magacaabay Wiilkiisa Amiir Abdulaziz bin Salman, kaasi oo sida la sheegay ka mid ah Dadka xilligan ugu awoodda badan Boqortooyada […]
Somali News8 Sept 2019
Berbera (HCTV) – 8 Qof oo ka mid ah Shaqaalaha ka hawl-galayey Xafiisyada Wakiillada Maraakiibta ee Magaalada Berbera ayaa Xabsiga loo taxaabay. 8-da Qof ee la xidhay ayaa la sheegay inay ka dhego adaygeen Awaamiir ka soo baxay Xukuumadda, gaar ahaana Wasaaradda Ganacsiga, sida uu sheegay Isku-duwaha Wasaaradda Ganacsiga ee Gobolka Saaxil, Siciid Jaamac Waaberi. […]